Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Ganacsato Soomaaliya oo La Kulmay Madax katirsan Koonfur Afrika

Bar-kulan: Cape-town- Waxa uu kullan balaaran magaalada Cape-town ee dalka Koonfur afrika ku dhexmaray madax ka tirsan dawlada Koonfur afrika iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi

Kullankaasi ayaa ahaa mid looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa in si wada jira looga hortago dhibaatooyinka loogeysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi oo inta badan loogeysto dhibaatooyin joogto ah.

Mid ka mid ahaa saraakiisha dawlada hoose ee dawalada Koonfur afrika oo kullankaasi ka qayb galay ayaa muujiyey in ay haboontahay in ay wada shaqayni dhexmarto saraakiisha xaga ammaanka, kuwa dawlada hoose iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Western cape si loo yareeyo dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ganacsatadaasi haysta

Kullankaasi ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dhibaatooyinka xaga ganacsiga ee ka dhaxeeya ganacsatada gobolka Western cape madama ay mudooyinkan danbe ay soo baxeen in la isku qabsado goobaha ganacsiga laga furto madama ay goobaahaasi yihiin kuwo soo badanaya khilaafkuna uu ka dhexsho kuwii horay goobahaasi ugu sunaa iyo kuwa cusub

Sheekh Yaasiin Abubakar oo ka tirsan guddgia ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Western cape oo kulankaasi ka qayb galay ayaa Bar-kulan u sheegay in kullankaasi sidoo kale looga hadlay sidii dib loogu soo celinlahaa ganacsatadii Soomaliyeed ee dhawaan laga barokiciyey goobihii ay horay ugu ganacsadanjireen.

Xukumada Koonfur afrika ayaa sidoo kale wada baaritaano ay ku raadineyso dadkii ka danbeeyay rabshadihii dhawaan lagu boobay in badan 30 tukaan o ay lahaayeen ganacsato Soomaliyeed iyadoo ciidamada ammaanku ay sheegeen in ay ganacsatada la soo socodiindoonaa wararka ka soo cusboonaada baaritoonadooda.

Kullankaasi ay yeesheen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Western cape iyo saraakiisha dawlada hoose ee Koonfur afrika ayaa ku soo beegmaya iyadoo hal todobaad ka hor ay xukumada Koonfur afrika ay shaacisay in ay xil ka qaadis u sameysay dhowr sargaal oo lagu tuhmay in ay xadgudubyo u gysyesteen dadkiii masuulka looga dhigay iyadoo saraakiishaasi xabsiyo ku yalaa wadankaasi dhawaana maxkamado la soo taagidoono si shariciga loo marsiiyo.

Bar-kulan.

Cape-town, Koonfur afrika.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Xildhibaan Daahir Geelle oo la kulmay jaaliyadda Koonfur Afrika, 2011/06/06
  2. Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika & booliska, 2010/11/30
  3. Kulan ka dhacay Koonfur afrika, 2010/09/29
  4. Ganacsato Lagu Dilay Koonfur Afrika., 2010/07/24
  5. Ganacsato Lagu Dilay Koonfur Afrika, 2010/07/09

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal