Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Sandiego: Nin Lagu Xukumay Dil Loo Gaystay Soomaali.

Sandiego: Bar-kulan- Magaalada Sandiego gobolka California ee dalka mareykankana waxaa maalinimadii shalay ahayd lagu xukumay eedaysane qirtay inuu ku lug lahaa toogaso lagu dilay muwaadin Soomaaliya sanadkii 2003 ee kal hore.

Shayn Christopher Pilson, oo 23 sano jir ah ayaa iskiis u qirtay inuu ka qeyb qaatay dil bishii August ee sanadkii 2003 loo gaystay muwaadin soomaaliya oo 26 sano jir ahaa laguna magacaabay Khadar Xassan oo wakhtigaasi ay toogasho burcad hubeysani ku dishay.

Ninkan ayaa lagu xukumay 6 sano oo xarig ah iyadoo lagu soo oogay inuu gacan ka gaystay dilkaasi oo dhacay xili habeen ah oo ay dhac iyo boob ka gaysanayeen dukaan ku yaalla magaalada Sandiego.

Dacwadani ayaa soo soctay muddo farabadan iyadoo sanadkan bilawgiisiina ay dacwadna ninkani ka dhalatay ismarinwaa soo kal dhex galay garsoorayaasha maxakamada ay dacwadani ka socotay.

Shayn Pilson ayaa lagu eedeeyay in fal dambiyeedkaasi uu ku gacn siiyay eedaysane kale oo 31 sano jir ah oo lagu magacaabo Sherman Strong kaasi oo la filayo in maxakamadda la soo taago bisha soo socota ee October ee sanakan.

Inkastoonan lagu helin Pilson inuu isagu ahaa ruuxa toogtay marxuumkaasi haddan xaakimkii eedaysanaahaasi la doodayay oo lagu magacaabay Dennis Panish ayaa garsoorihii dacwadaasi xukumay u sheegay in eedaysanahani uu wajiga kusoo xirtay maro maas garaatitya isla markaana ka qeyb qaatay dhicii iyo boobkii halkaasi laga sameeyay, ee sababay in lagu dilo marxuumka Soomaaliga ah.

Eedaysanaha la xukuamay ee Pilson ayaa 16 sano jir ahaa markii uu fal dambiyeedkaasi ka qeyb qaadanayay ayuu xaakimku ku sheegay inuu lahaa taariikh dhinaca falal dambiyeedyada ahayd tan iyo dhalinyaranimadiisii hore.

Dhinaca kale marxuumka Soomaaliga ah ayaa la dilay 14kii august ee sanadkii 2003 iyadoo isaga iyo saaxiibadiis ay ku cawaynayeen baar lagu caweeyo magaalada sandiego ee gobolka California .

Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Mareykanka: Laba nin Soomaali ah oo xabsi daa’im lagu xukumay, 2011/10/04
  2. Mareykanka oo nin Soomaali ah lagu xukumay 10 sano, 2011/04/29
  3. London: Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in lagu xukumay, 2011/03/24
  4. Hargeysa oo nin Jarmal ah lagu xukumay xabsi 4 sano ah, 2011/01/14
  5. Yemen: Maxkamad dil ku xukuntay nin Soomaali ah, 2011/01/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal