Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

AMISOM oo heegan galisay ciidankeeda

Muqdisho:Bar-kulan-Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya ee AMISOM, Bariijiya Bahuuko, ayaa sheegay in ciidankooda ay si weyn iskugu diyaarinayaan weeraro xoogan oo qorsheysan oo ay maleeshiyaadka ka soo horjeeda doonayaan in ay ku qaadaan saldhigyada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Major Bahuuko, ayaa sheegay in horjoogayaasha maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam ay si rasmi ah u shaaciyeen dagaalo xoogan oo ay la beegsadaan goobaha muhiimka u ah howlaha dowladda iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, ayaa xusay in ay fashilin doonaan qorshayaashaan ka dhanka ah amniga shacabka Soomaaliyeed iyo danta guud ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan saldhigyo cusub ka sameystay goobo ka baxsan saldhigyadii horay ay u joogeen, taasoo dib u dhac u keentay weerarka maleeshiyaadka Shabaab ay qorsheeyeen.

Dowladda Uganda, ayaa sheegtay in ay ciidamo dheeraad ah u diri doonto Soomaaliya, iyadoo weli ay socdaan qorshihii ilaa 2 kun oo askari oo ka socda Jabuuti iyo Gani lagu geynayo Soomaaliya.

Bar-kulan, Muqdisho

Warbixinada la Xiriira:

  1. Afhayeenka ciidamada AMISOM oo ka warbixiyay dagaalladii shalay, 2011/10/11
  2. Xukuumadda KMG oo Heegan galisay dalka, 2011/05/04
  3. AMISOM oo saldhig cusub ka sameysatay degmada Hodan, 2011/01/18
  4. Dowladda oo guulo ka gaartay dagaalada Muqdisho, 2010/07/26
  5. AMISOM oo beenisay iney duqeeyeen Shacabka, 2010/07/26

1 Fikrad for “AMISOM oo heegan galisay ciidankeeda”

  1. waaa kaxumahay dadkina waa xabad lagu afurinayo ilaah hanaga qabto wixii somalinimada diidan aaamin iyo wuxi somali caduuwgada ah

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal