Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka

Ololaha Hangasho iyo Aamina Muuse

Bar-kulan: London- Aamino Muuse Weheliye oo ah Saxafiyad Caan ah ayaa ku soo bandhigtay galbeedka magaalada London qorshe ay ugu magacdartay ‘’Ololaha Hangasho’’  kaasi oo ay ka soo qaybgaleen saxfiyiin ,Abwaano iyo aqoonyahano Soomaaliyeed.

Aamino Muuse ayaa xirnayd dharka cad cad ee asaayda loo yaqaano ee  ay dumarku xirtaan marka ay ragoodu ka dhintaan hase ahaatee macnaha ay asaayda u soo xiratay ma ahayn kaas ee waxaa uu ahaa mid ay ugu qiiroonaysay dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka taagan dalka Soomaaliya .

‘’Maanta waxaa halkaan ama wadanka Britain iigu buuxsamay toban sano waxaana aan ka murugaysanahay dhibaatada haysata dalkeeyga iyo dalkeeyga ,waxaan ahay saxafiyad marwalba dhagaheeda ay ku soo dhacayaan dhimashada ,Dhaawaca ,barakicinta iyo Bur burka loo gaysanayo dalkeeyga iyo dadkeeyga ayay Tiri Aamino Muuse oo ay garba taagnaayeen hable kale oo xirnaa dharka cad cad ee loo yaqaano asaayda kuwaasi oo isugu jiray saxfiyiin iyo Abwaaniin da’ yar.

Halkaan ka daawo Sawirada Ololaha Hangashada.

Wixii intaasi kadanbeeyay aamino waa ay is hayn kari weysay waxaana indhaheeda soo buuxiyay ilmo taasi oo ay qadar daqiiqado ah dhul ka u jiiftay , waxaana saxafiyiintii iyo ka soo qaybgalayaashii munaasabadu ay la ilmeeyeen aamino iyaga markaasi garbagalay si ay ilmada uga tiraan, balse waxyar ka dib ayay markale aamino Muuse Masraxa Soo fuushay oo ay halkeedii ka siiwadatay khudbadeedii Muragada xanbaarsanayd.

Ololaha hangasho ee ay asaayda ku qaadayaan dumarka Soomaaliyeed ee ay soo bandhigtay Aamino muuse ayaa ah mid aan wax shaqo ah ku lahayn mihnadeeda shaqo ee ay ka hayso idaacada BBC da taasi oo ay ka horsheegtay ka soo qaybgalkayaasha balse waxaa ay tilmaantay in uu yahay dareen ku dhashay oo ay u soo bandhigtay Umadda Soomalaiyeed.

Maryan Saylac oo iyaduna ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed eek u nool wadanka Ingiriiska islamarkaana xirnayd marada cad ee ay Soomaalidu u taqaano asaayda ayaa ka hadashay sababaha ay go aanka ula qaadatay Aamino Muuse oo ay ugu biirtay Ololaha loogu mkagacdaray Hangasho iyadoo markaasina soo bndhigtay qorshaha ama nidaamka uu xanbaarsanyahay ololahooda.

Gabar kamid ah hablaha aadka u dad a yar kuna barbaartay wadamada Yurub oo markaasi xirnayd dhar madoow halka hablaha kale ay ka xirnaayeen maryaha cad cad ayaa sheegtay in aanay aqoonin oo aanay arag wax asaay xiran balse ay uga qayb qaadanayso Oloha dareenka xanbaarsan ee loogu murugoonayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed tixgabay ah oo ay ugu magacdartay Qaraabooy qalad maan ku dhaqaaqay.

Ololahaan dareenka xanbaarsan ee ay Soo bandhigeen hablaha saxfiyiinta ah ee ay hormuudka u ahay Aamino Muuse weheliye ayaa waxaa iyaguna ka hadlay fanaanin iyo Abwaaniin si weyn looga yaqaano Soomaaliya kuwaasi oo gabaydii ay tirninayeen ka ilmaysiiyay ka sooqaybgalayaasha iyadoo jawigu ahaa mid siweyn u badalay dareenka kuwii ka hadlay iyo dhagaystayaashii munaasabada loogu magacdaray Ololaha hangasha.

‘’Soomaalida waxaa la gudboon in ay garato dhibaatadeeda gaar ahaan raga Soomaalidu waa ay noqdaan kuwa u naxa dadkooda kuna waaana qaata dhibaatada shacbkooda ku haysata gudaha iyo dibada ayuu Yiri fanaanka Soomaaliyeed ee Gaadaco ‘’ oo ku tilmaamay barnaamijka ay habluhu ku soo bandhigeen Munaasabada mid mudan in lagu waano qaato.

Dagaalada iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka taagan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka qayb qaadanayaan isbadal ku yimaada dhinaca dhaqanka iyo diinta ee dhalaanka Soomaaliyeed eek u bar baaraya dibadaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka taasi oo ku khasbaysa Soomaalida kunool dibadaha in ay la yimaadaan dareen lamid ah kan ay Soobandhigtay Aamino Muuse sidas waxaa yiri Abwaan Siciid Shiikh Ilka Jiir oo munaasbada ug qayb qaadanaya gabay iyo guubaabo mudan in lagu tusaale qaato.

Si kastaba arrintu ha ahaatee mushkilada xalkeedu fogaaday ee ka taagan Soomaaliya ayay dad badani u arkaan in lagaaray xiligii ay shacabku u midoobi lahaayeen islamrkaana ay ka qaadan lahayaeen Go aan kama danbays ah maadaama aanay jirin cid ka danqanaysa dhiiga iyo ilmada labaatan sano jirsaday ee ka day aysa oogada iyo indhaha maatida Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo gudaha iyo dibadda.

Warbixintan Waxaad ka dhageysan kartaa Boggaan qeybtiisa hoose.

Bar-kulan.

London.

Warbixinada la Xiriira:

  1. FBI-da oo soo bandhigtay cadeymo ka dhan ah Aamina iyo Xaawo, 2011/10/07
  2. Martida Toddobaadka: Muuse Faarax, 2011/06/26
  3. Madaxweyne Faroole oo furay ololaha talaalka dabeysha ee Puntland, 2011/04/24
  4. Ololaha tallaalka carruurta oo ka bilowday Boosaaso, 2010/12/26
  5. Ololaha Doorashooyinka iyo Magaalada Burco., 2010/06/03

1 Fikrad for “Ololaha Hangasho iyo Aamina Muuse”

  1. asc dhamaan waan idiin salamay aniga waxaan u arkaa figrad tii ugu fiicneed waxaan ka dhihilahaa in aay sii wado halganka aay wado waana mahadsantahiin

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal