Yuusuf Dheeg oo La Kulmay Dhigiisa Yemen.
Bar-kulan: Sanca- Wasiirrada arrimaha dibadda Yemen iyo Soomaaliya ayaa maanta kulan ay qaateen waxa ay kaga wada xaajooden arrimo khueeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen,
Kulankan ay manta Sanca ku qaateen wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Yemen waxaa kaloo goob joog ka ahaa wufuud ka kala socota labada dhinac iyadoo dhanka Somaaliyana ay wasiirka ku wehlinayeen saraakiisha safaarradda Soomaalida ee dalkan Yemen.
Arrinta ugu muhiimsan ee uu Yuusuf Xasan Ibraahin Yuusuf Dheeg kala xaajooday dhigiisa Yemen Abuu Bakr Alqirbi waxa ay aheyd sidii dowladda Yemen ay taageero dhinaca amaanka ah u siin laheyd dalka Soomaaliya isla markaana ay kaalin ugu yeelan laheyd dadaallada lagu doonayo in xasillooni loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya, iyadoo arrintaasina uu si diirran usoo dhaweeyay Waziirka arrimaha dibadda Yemen oo sheegay in Yemen ay tan iy bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaalia hormuud u aheyd dalalka aadka uga damqada dhibka halkaasi ka jira haatanna wixii karaankeeda ah ay ka geysan doonto sidii mashaakilkaasi loo xallin lahaa.
Waxaa kaloo kulankan lagu lafa guray heshiisyo hore oo dhinacyo kala duwan leh oo ay kala saxiixdeen Somaliya iyo Yemen oo aan ilaa iyo haatan la fulin waxaanay labada waziir aad uga doodeen sidii loo dhaqan gelin lahaa is-afgaradyadaasi labada dhinac ay horraan qalinka kuwada duugeen sida uu iigu warramay la taliyaha safaaradda Somalida ee dhinaca siyaasadda Ridwaan Xirsi Max’ed oo kulankaasi ka qeyb galay.
Yuusu Xasan Ibraahim Dheeg waxa uu uga mahad naqay dowladda yemen sida wanaagsan ee ay usoo dhaweysay qaxootiga Soomaaliyeed ee 10aanka kun ah ee dalkeeda ku sugan iyadoo Dr Alqirbina uu ballan ku qaaday in ay halkaa kasii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan Soomaalida kazoo cararta dagaallada ka jira dalka Soomaaliya.
Sidoo kale kulanka labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Yemen waxaa layskula soo qaaday arrimo la xiriira dhibaato labada dhinacba ay qabaan sida ay waziirradu carrabka ku dhufteen taasoo ah burcad-badeednimada iyo waliba kooxaha argagixisada lagu tilmaamo oo labada dalba ka jira iyagoo ku ballamay in ay ay kawada shaqeeyaan sidii loo curubtiri lahaa dhubaatooyinkaasi.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay ajandaha dowladda Somalia iyo Yemenba ka khuseeya Shirka waziirrada arrimaha dibadda dowladaha Kulanka Sanca ee berrito magaala madaxda Yemen ka furmaya, waxaana halkaasi aad looga wadahadli doonaa xaaladda amaanka ee ka jirta Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Yemen hareeyay.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
- Madaxweyne Shariif oo dhigiisa dalka Tanzania la kulmay, 2011/04/16
- UNHCR iyo Yemen oo ka wadahadlay qaxootiga Soomaalida ah, 2011/01/17
- Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Yemen, 2010/10/22
- Yusuf dheeg oo u waramay Bar-kulan, 2010/07/19
- Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Spain, 2010/03/28
