Xukuumadda iyo Kalsoonida Baarlamaanka.
Bar-kulan: Muqdisho- Gudoonka sare ee golaha baarlamaanka ayaa maanta shaaciyey in xukuumada Faderaalaka ah ay beri hor imaandoonta golaha Baarlamaanka si ay u weydiisato codka kalsoonida.
Ku simaha gudoomiyaha golaha baarlamaanaka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Cabdiwali Ibaraahim Muuddey, oo la hadlayay mudanayaasha baarlamaanka furitaankii fadhiga baarlamaanka ee
maanta ayaa sheegay in xukuumadu ay fadhiga baarlamaanka ee beri ay ka soo qayb-gali doonto si ay kalsooni u soo weydiisato golaha baarlamaanka.
Mudane Muudday waxa uu tilmaamay in gudoonka sare ee baarlamaanku ay la socdeen halka ay wax u marayeen xukuumadda, tan iyo markii ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay gudoonka u gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in xukuumaddu ay baarlamaanka hortimaado.
Fadhigii maanta ee golaha baarlamaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mudanayaal ay tiradoodu gaarayso 280 xildhibaan taasoo meesha ka saartay buuxsamid la’aantii kooramka oo sababay dib u dhacyadii ku yimid fadhiyadda baarlamaanka maalmihii la soo dhaafay.
Xildhibaanada Golaha baarlamaanka ayaa maanta uga dooday Fadhigooda qodobka 13aad ee xeerhoosaadka baarlamaanka oo ka hadlaya tiradda xildhibaanada ee keeni karta mooshinka ka dhanka ah gudoonka sare iyo
tiradda loo baahan yahay in ay u codeeyaan kalsooni kala noqoshadda Gudoonka baarlamaanka si mooshinku u guuleysto.
Dooda ku aadan qodobkaas oo ahayd mid aad u kulul ayaa weli socota, iyadoo xildhibaanadu ay fikrado kala duwan soo bandhigeen,
Warbixinada la Xiriira:
- Farmaajo oo ku baaqay wada-shaqeynta Xukuumadda iyo baarlamaanka, 2011/04/10
- Golaha Baarlamaanka oo u yeeray Xukuumadda, 2010/09/16
- Madaxweynaha oo Baarlamaanka Tagay iyo Mooshin Ka dhan ah Xukuumadda Sharmaarke oo la qaybiyay., 2010/09/15
- Fadhigii Baarlamaanka Maanta, 2010/08/18
- Baarlamaanka oo meel mariyay qodobka 13-aad, 2010/07/31
