Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Wada hadala Balotelli oo hakad galay

Bar-kulan-Manchester City ayaa wada hadalo dheeri ah la yeelan doonta madaxweynaha Inter Milan Massimo Moratti maalinta isniinta ah ee soo socota si loo dhameystiro heshiiska Mario Balotelli.

City waxey isku dayeysaa iney weereryahankaasi dada yar keento garoonkeeda, laakiin illaa iyo hada waxaa la isku waafaqi la yahay heshiiska kala wareejinta.

Sida ay leeyihiin wararka ka imaanaya Italy, City waxey soo bandhigtay lacago aad ugu yar intii laga filayay oo ay ku baayaceyso Balotelli , taasoo gaareysa €30million oo u dhiganta (£25m).

Wakiilka Balotelli ayaa sheegay in wada hadalada aysan u muuqan kuwo hormar leh ilaa iyo insniinta ayaana dib loo dhigay.

Moratti wuxuu sheegay in uusan jiro illaa iyo hada wax heshiisa ah oo la isla meel dhigay , laakiin wuxuu sheegay in Balotelli ay fasaxayaan hadii lacag fiican ku helaan.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Mancini: Balotelli waa cayaaryahan aan akhlaaq lahayn, 2011/07/25
  2. Christiano Ronaldo oo u adkaysan waayey hadalada Balotelli, 2011/01/19
  3. Balotelli oo taageero ka helay Ancelotti, 2010/08/18
  4.   Totti: ‘wuxuu iigu yeeray awoowe!’, 2010/05/12
  5. Balotelli oo raali galin siiyay Mourinho, 2010/04/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal