Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Shacabka Burco oo ka hadlay golaha wasiirada

Bar-kulan:Burco-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dhismaha xukuumadda cusub ee Somali-land.

Aragtiyada ay dhiibteen dadweynaha ayaa iskugu jirtay kuwo lagu soo dhaweynayo xukuumada Cusub iyo kuwo dhaliilo loogu jeedinayo, iyadoo dadka qaar ay sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin qaab dhismeedka Xukuumada cusub ayna yihiin dad aqoon yahano  ah oo gudan kara waajibaadka ka saaran shacabka Somali-land, waxeyna ugu baaqeeyn in ay shacabka ugu adeegaan si cadaalad ah.

Dadweynaha ka soo horjeeday  xukuumada cusub ee Somali-land ayaa sheegay in si cadaalad daro ah ay ku dhacday magacaabista Golaha wasiirada cusub, loona baahan yahay in dib loogu noqdo, waxeyna sheegeen in Somali-land ay u baahan tahay dad wax gal ah dhibaatadana ka saari kara.

Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo, ayaa ah mid ay dadka qaar dhaliilo u jeedinayaan, halka inta badan shacabka reer Somali-landna ay taageero buuxda u hayaan.

Bar-kulan, Burco

Warbixinada la Xiriira:

  1. Madaxweynaha Somaliland oo fagaare kula hadlay shacabka Burco (Sawirro), 2011/10/09
  2. Golaha wasiirada oo ka hadlay muddo kordhinta Baarlamaanka, 2011/02/08
  3. Olole nadaafadeed oo Burco laga sameeyay, 2010/12/08
  4. Booliiska burco oo hawl gallo dad kusoo xirxiray, 2010/10/23
  5. Olole nadaafadeed oo Burco ka socda, 2010/10/21

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal