Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Roobabka Mansoonka oo galaaftay in kabadan 800 Ruux.

Bar-kulan: Daadad xoogan oo ay sababeen roobabka mansoonka oo si is daba joog ah maalmahan ugu da’ayay dalka Pakistan ee koonfurta qaarada aasiya ayaa sababay dhimashada in kabadan 800 ruux, sida ay xaqiijinayaan warbaahinta gudaha dalkaasi.

Gurmadka oo Wali Socda.

Ciidamada gurmadka iyo shaqaalaha badbaadiyayaasha ee ku sugan waqooyi galbeed dalka Pakistan ayaa wali dadaal ugu jira sidii ay ku gaari lahaayeen kumanaan dad ah oo ay saameeyeen daadadkii ugu xumaa ee abid dalkaasi soo mara inta la xasuusan yahay.

Sadex maalmood oo ay socdeen roobab aanan kala joogsi lahayn oo sababay in Wabiyadu ay buux dhaafaan isla markaana burbur balaaran u gaysteen inta badan gobolka Khyber-Pakhtunkhwa sida guryaha, wadooyinka, buundooyinka iskuulaadka, iyo waliba dhabaaysha tareenada.

Iftikhar Xussain, Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka warfaafinta dalka Pakistan Iftikhar Xussain oo ku sugan caasimadda gobolkaasi ee Peshawar ayaa xaqiijiyay in 408 ruux tiro gaaraysa ilaa haatan la xaqiijiyay geeridooda tan iyo maalinimadii arbacada ahayd oo ay roobabkani bilawdeen, isagoo sidoo kalana cabsi ka muujiyay in tirada dhimashadu ay intaasi ka badan karto, maadaamada malaayiin ruux ay wali daadadka ku dhex xaniban yihiin.

Waxayna arintani noqonaysaa fatahaadii ugu darnayd taariikhda gobolkaasi ayuu wasiirku tilmaamay.

Magaalooyinka ugu Samaaeynta ballaaran.

Magaalooyinka ay daadadkani saameeyeen ayaa waxaa kamida Nowshera iyo Charsadda iyo dooxada waqooyi galbeed ee Swat, iyadoo daadadku ay masexeen inta badan dhismayaashii hotelada iyo guryaha magaalooyinkaasi ku yaallay.

Kala bar Magaalada Nowshera oo 100 km waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Islamabad waxaa buux dhaafiyay daadadka sida uu xaqiijiyay Imran Khan oo guriga qoyskoodu uu ku yaallay meel u dhaw wabiga magaaladaasi mara.

Sidoo kale goobaha ay daadadkani saameeyeen ayaa waxaa kamida isbitaal Milatariga Pakistan ay halkaasi ku leeyihiin iyadoo qaar kamida baabuurtii milatarigana ay saameyn halkaasi ka soo gaartay.

Ciidamada qalabka sida ee Pakistan oo hogaaminaya hawlaha loogu gurmaday dadka ay daadadku saameeyeen ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in ilaa iyo in kabdan 14 ruux ay kasoo badbaadiyeen goobaha ay daadadku saameeyeen halka qiyaastii 50 kun oo raashin ah ay diyaarado ku gaarsiiyeen goobaha ugu badan ee ay daadadku ka dhaceen.

Daadadkii ugu xooganaa, 35 Sano.

Gobolkan ay roobabka aadka u ba’ani ka da’een waxa uu kamid yahay goobihii ay dagaalada ugu ba’an ku dhexmareen talibanta Pakistan iyo xukuumadda Islamabad, gaar ahaana dagaaladii ka dhacay dooxada Swat ee ay kooxdaasi wax ka yar 60 Mile Ugu soo jirsatay caasimadda Islamapad oo sababtay in xukuumaddu hawlgal milatari oo baahsani ay kaga hortagto.

Gobolka waxaa ka da’ay oo biyo dhigay roobab aad u badan oo uu biya dhigoodu gaarayay ilaa iyo 312 mm sadexdii berri ee ugu dambeysay, waana tiradii ugu sareysay ee la diiwaan galiyo tan iyo 35 sano ee ugu dambaysay, sida uu xaqiijiyay Ghulam Rasul oo ah Madaxa Cilmiga hawada ee gobolkaasi.

Dhinaca Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in daadadkani ay saameeyeen dad gaaraya hal Milyan, halka ugu yaraan ay dumiyeen 45 buundo hareeraha gobolkaasi laga xukumo magaalada Peshawar.

Sido kale dhabaha weyn ee Karakoram oo isku xira dalalka Pakistan iyo Shiinaha ayaa waxaa xiray roobabkaasi kadib markii ay daadadku xaaqeen buundo ku taallay degmada Shnagla lagu magacaabo.

Roobabka Mansoonka ee dalka Pakistan ayaa la filayaa iney socdaan tan iyo bilawga bisha Septemper, iyadoo saraakiisha dhinaca hawada ay ka digayaan roobab xoog leh oo dalaaksi ka da’a 10 maalmood ee soo socda.

Qiyaastii 70 ruux ayay roobabkani ku dileen gobolka waqooyiga koonfureed ee Baluchistan todobaadkii aynu soo dhaafnay halka sidoo kalana ay barakiciyeen dad gaaraya 100 kun oo ruux.

Wasiirka Warfaafinta dalka Pakistan ayaa codsaday in beesha caalamku ay u soo gurmato, isagoo carabka ku adkeeyay in sida ugu dhakhsaha badan gurmadka gobolkaasi lala soo gaaro hadii kalana ay khasab ku noqon doonto in la jaro tirada shaqaalaha dawladda, iyo kharashaadka mushaardka si looga shaqeeyo horumarinta khasaaraha gobolka ka dhacay.

Xigasho: Wakalaadaha wararka Caalamka.

Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Roob xoolo ku galaaftay Sool, 2011/04/29
  2. In kabadan 20 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Beled Xaawo, 2010/10/22
  3. Muqdisho: Shan ruux oo ku dhintay Dagaalo iyo Duqeymo, 2010/10/11
  4. Al Shabaab oo in kabadan 100 qof B/weyne ku xirey, 2010/10/05
  5. 910 ruux oo daawo lacag la’aan ah helay, 2010/05/10

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal