Maamulada Gal-mudug iyo Ximin & Xeeb oo isku biiraya
Bar-kulan:Bar-kulan-M/weynaha Maamul Goboleedka Gal-mudug Max’ed Axmed Caalin, ayaa shaagay in uu billowday qorshe ay iskugu biirinayaan 2da Maamul ee Gal-mudug iyo Ximin iyo Xeeb.
Col. Caalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaal-kacyo, ayaa sheegay in booqasho uu dhawaan ku tagay magaalada Cadaado la isku afgartay dhismaha guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii la iskugu keeni lahaa aragtiyada labada maamul.
M/weynaha Gal-mudug, ayaa xusay in uu jiro rabitaan xoogan oo muujinaya sida labada dhinac ay diyaarka ugu yihiin in wax la wada qeybsado.
Max’ed Axmed Caalin, ayaa sheegay in maamulka Gal-mudug uu magacaabay xubnaha guddiga Farsamada, dhinaca Ximin iyo Xeebna laga sugayo in ay soo magacaabaan xubnahooda, si degdegana loo billaabo howlaha farsamada.
Dhinaca kale M/weynaha Gal-mudug, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Gal-mudug iyo Punt-land ay iska kaashaadaan arrimaha amniga si ay u yaraadaan kooxaha amni darada ka shaqeynaya ee labada dhinac ka imaanaya.
Col. Caalin ayaa xusay in shacabka Punt-land iyo Gal-mudug aysan dooneyn falal horseedi kara in ay dib u soo laabato amni daradii iyo is-aamin la’aantii dhax taalay labada dhinac
Bar-kulan, Gaalkacyo
Warbixinada la Xiriira:
