James oo diidan inuu ka tago England
Bar-kulan-Goolhaye David James ayaa diiday inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah , wuxuuna sheegay inuu jecel yahay inuu sii heysto booskiisa xulka England uuna ku muujin doono kooxdiisa cusub ee Bristol City.
Goolhayahaan, oo maalinta dadiisu ay tahay 40 sano jir, ayaa wuxuu u saxiixay kooxdiisa cusub hal sano oo heshiis ah , waxaana u dheer halsano oo kale.
Wuxuu ku rajo weynyahay si uu booskaasi u helo inuu kooxdaan oo ah haatan heerka 2aad inuu sanadka soo socda keeno heerka 1aad.
Laakiin mustaqbalkiisa xulka England wuxuu gacanta ugu jiraa macalin Fabio Capello oo ay u taalo inuu qaato iyo in kale James,
“kama tanaasulayo England waxaana ku rajo weynahay in aan door fiican ku soo bandhigo Bristol City si aan booskaasi u helo.”
Sunni Said Salah
Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
