Baarlamaanka oo meel mariyay qodobka 13-aad
Bar-kulan:Muqdisho-Fadhigii Golaha Baarlamaanka ee maanta oo uu shir gudoominayay, ku simaha gudoomiyaha golaha baarlamaanka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha C/wali Ibraahim Muudey, ayaa ka dooday Qodobka 13aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo ka hadlayay tiradda xildhibaanada keeni karta mooshin ka dhan ah Gudoonka Sare ee baarlamaanka.
Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in 50 xildhibaan ay soo gudbin karaan mooshin k adhanka ah gudoonka sare ee baarlamaanka,waxeyna xildhibaanadaasi u cuskadeen doodooda sharci
hoosaadka oo horey u dhigayay in 25 xubnood oo ka tirsan mudanayaasha
baarlmaanku ay keeni karaan mooshin ka dhan ah gudoonka sare,
Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in Afar meelood meel tiradda guud ee xubnaha baarlamaanka oo u dhiganta 137 xildhibaan, loo baahan yahay in ay keenaan mooshinka ka dhanka ah gudoonka sare ee baarlamaanka, iyadoo ay jireen xildhibaano soo jeediyay in tiradu ay
noqoto 70 xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa inta badan ka mideysnaa tiradda xildhibaanada loo baahan yahay in codka kasooni darada ayidaan si gudoonka loo rido kaasoo ah 276 xildhibaan.
Gabagabdii fadhiga baarlamaanka ayaa shir gudoonkii waxa uu cod galiyay qodobka 13aad ee xeer hoosaadka baarlamanka iyadoo 257 xildhibaan ay u codeeyeen tirada xildhibaanad keeni karta mooshinka ka dhanka ah gudoonka sare in ay noqoto 137 xildhibaan taasoo uu ku
dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudday oo sheegay in qodobkaasi sharci yahay
Maalinta beri ah ayaa la filayaa in xukuumaddu ay kalsoonid soo weydiisato golaha baarlamaanka sida uu shaaciyay Gudoonka sare ee golaha Baarlamanka.
Bar-kulan, Muqdisho
Warbixinada la Xiriira:
- Baarlamaanka oo ansixiyey sharciga daryeelka barakacayaasha, 2011/03/05
- Baarlamaanka oo ansixiyay xubnaha guddiga dastuurka qaranka, 2011/01/03
- Xildhibaano ka hadlay dagaalkii Baarlamaanka, 2010/11/23
- Xukuumadda iyo Kalsoonida Baarlamaanka., 2010/07/31
- Baarlamaanka oo guddoomiye ku xigeen 2-aad doortay, 2010/06/06
