|

Zanetti oo abaalmarin la siiyay

Bar-kulan – Captain-ka Inter Milan Javier Zanetti ayaa qaatay abaalmarinta Premio Scirea la yiraah oo ah mid ay bixiyaan wariyayaasha dalka talyaaniga.

Abaalmarintaan oo la soo bilaabay 1992 waxaa la siiyaa ciyaartoyda ay dadoodu ka weyntahay 30 sano jirka isla markaana mustaqbal sare ku yeeshay k/cagta .

Waa markii ugu horeysay oo uu laacib ajanabi ah qaato abaalmarintaan markii sanadkaan la sheegay iney u furan tahay abaalmarintaan ciyaartoyda ajanabiga ah ee ka ciyaarta Serie A  gaar ahaan mudo 10 sano ah , taasina waxey u suuragalisay ciyaaryahanka reer Argentine Zanetti inuu noqdo ajanabigii ugu horeeyay ee ku guuleysta abaalmarintaasi.

Abaalmarintaan waxaa loogu magacdaray Gaetano Scirea, kaasoo ahaa rugcadaa u soo ciyaari jiray Juventus, kaasoo mudo 14 sano ah la joogay kooxdaasi.

Captainkaasi hore ee Juventus iyo xulka Italy wuxuu ku dhintay shil gaari xilli uu joogay Poland 1989 xilligaasi wuxuu kaaliye macalin u ahaa macalin Dino Zoff oo watay Juve.

Zanetti wuxuu helay 231 coda 371 cod oo la bixiyay , wuxuuna ku biirayaa lisska ciyaartoydii abaalmarintaan horey u qaatay oo kala ah Franco Baresi, Roberto Baggio, Paolo Maldini, Gianfranco Zola iyo  Alessandro Del Piero.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

is diiwaan geli si aad fikir u dhiibato Gal