|

Xoghayihii CAF oo FIFA ku biiray

Bar-kulan-Markii uu mudo 28 sano ah ahaa xoghayaha guud ee CAF isla markaana uu 32 sano ka shaqeynayay CAF, ayuu haatan ka tagay shaqadaasi, wuxuuna xilkaasi iska casili doonaa bisha September ee soo socota, xilligaasi oo ku began shir sanadeeda gudiga fulinta ee CAF.

Mustapha Fahmy, wuxuu shaqo ka helay xiriirka aduunka ee FIFA isagoo noqon doona agaasimaha tartamada ee FIFA wuxuuna badali doonaa Jim Brown oo shaqadaasi ka tagaya, kaasoo dib ugu laaban doona dalkiisa mareykana sababo la xariira qoyskiisa.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda FIFA uu xilkaasi qabto qof ka yimid meel ka baxsan yurub iyo Americas.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

is diiwaan geli si aad fikir u dhiibato Gal