Wasiirada A Dibbeda Carabta oo Kulmaya.
Bar-kulan: Sanca- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Xassan IbraahinDheeg ayaa barqadii maanta waxa uu gaaray magaalda Sanca ee dalka Yemen iyadoo ujeedda uu halkaasi u tagayna ay tahay ka qeyb galka shirka wasiirrada dibadda kulanka Sanca.
Waa wasiirkii ugu horreeyay oo kamid ah wasiirrada arrimaha dibada dalalka Sanca ku kulmaya oo magaala madaxda Yemen soo gaaray ,waxaana si diirran usoo dhaweeyay waziirka arrimaha dibadda dakan Yemen Dr Abuu baker Aqirbi iyo madaxa Soomaalida dalkan Yemen u joogta.
Yuusuf Xasan Ibraahim Yuusuf dheeg waxa uu sheegay isagoo ka hadlaya ujeeddada uu yemen u yimid in uu Soomaaliya u matali doono shirka waziirrada arrimaha dibadda dalalka Kulanka Sanca ee magaalada Sanca ka dhici doona.
Qodobada ugu muhiimsan ee lagu falanqeyn doono kulankan ayaa noqonaya xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkan Yemen iyadoo sidoo kalena la filayo in lagu soo nooleeyo heshiiyo hore oo u dhexeeyay dalalka ururkan ku bahoobay oo aan iyagu la dhaqan gelin.
Marka laga soo tago shirka kulanka Sanca waxa uu waziirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf dheeg kulamo looga hadlayo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka u dhexeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya la yeelan doonaa dhigiisa maalinta burrito ah iyadoo sidoo kalena uu madaxweynaha dalkan Yemen Cali Cabdalla Saalix gaarsiin doono farriin uu uga sido dhigiisa dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shirkan waziirrada arrimaha dibadda dalalka kulanka sanca waxa uu googol xaar u yahay shir madaxeedkii labaad oo lagu qabto waddankan Yemen tan iyo markii ururkan la aasaasay kulankanna waxa uu noqonayaa kii 7aad oo ay madaxda ururkan isugu yimaaddaaan halka kii lixaad ee ka horreeyay lagu qabtay waddankan Suudaan magaala madaxdiisa Khartuum.
Halkaan ka daawo Sawirada Wasiirka A Dibedda ee Soomaaliya.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
