Wallad Cabdalla: Soomaaliya Caalamka Halis ayay Ku Tahay.
Bar-kulan:London-Wakiilkii hore ee Xoghaya guud ee Q.M u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya Axmaduu Walad Cabdala, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan qatar ku ahayn gobolka geeska Africa oo qura balse ay halis weyn ku tahay dalalka caalamka.
Axmaduu Walad Cabdala, oo warbixin uu qoray lagu soo daabacay wargeyska The Financial Times, ayaa sheegay in wadamada reer Galbeedka ay dayaceen Soomaaliya.
Wakiilkii hore ee Q.M u xilsaarnaa umuuraha Soomaaliya ayaa xusay in muddo 3 sano ah oo uu wakiil Q.M uga ahaa arrimaha Soomaaliya uu dareemay in Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon iyo ururka Midowga Africa ay daacad ka yihiin xal u helista arrimaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in wadamada Reer galbeedka ay u badan yihiin kuwa go’aankooda uusan dhameystirneyn.
Walad Cabdala, ayaa sheegay in dalalka urur goboleedka IGAD, ay ka go’an tahay in la xaliyo khilaafaadka Soomaaliya, isagoo soo xigtay in dhibaatooyinkii ka dhacay dalalka Bolkaniska ay gacan weyn ka geysteen ciidamo shisheeya oo yareeyey qatarta ku fool laheyd dadka dalalkaas.
Wakiilkii hore ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si degdeg ah ugu soo jeestaan xaaladda Soomaaliya, haddii aysan taasi dhicinna la arki doono mar ay talada faraha ka baxday.
Barkulan.
Warbixinada la Xiriira:
- Ban Ki-Moon: Soomaaliya ciidamo dheeraad ah ayay u baahan tahay, 2011/12/14
- Transparency: Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan caalamka, 2010/10/27
- Walad Cabdalla oo warqad u diray Jaaliyadda Dibedda, 2010/06/28
- Augustine Mahiga, oo badalaya Axmed Wallad Cabdalla., 2010/06/10
- War Murtiyeedka Shirkii Arrimaha Soomaaliya ee Istanbul., 2010/05/24
