Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Shabaab oo Amarro Ku Rogay Masaajidda

Beledweyne:Bar-kulan-Maamulka Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa ku amray mu’adimiinta masaajidda ku yaala gudaha magaalada Beledweyne inay hal waqti aadaamaan, iyagoo sidoo kalena Shabaabka u gudbinaya khudbadaha laga soo jeediyo masaajidda.

Kulan saacado qaatay oo ay magaalada Beledweyne ku yeesheen Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo mu’adimiinta in ka badan 25 masaajid oo ku yaala gudaha magaalada ayaa looga hadlay sidii maamul loogu sameyn lahaa masaajidda, kaasoo la socon doona kitaabada laga aqriyo masaajidda iyo waqtiyada aadaanka.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo kulunkaasi ka hadlay ayaa mu’adimiinta ku amray in masaajid walba oo ku yaala gudaha magaalada ama mu’adin walba looga baahan yahay in hal waqti ay wada aadaamaan xiliyada Salaadda, iyadoo cidii amarkaasi u hogaan sami weysana ay talaabo ka qaadi doonaan .

Saraakiisha Al Shabaab ayaa sidoo kale ku amray maamuladda masaajidda inay gudbiyaan khudbadaha laga aqriyo masaajidda, islamarkaana masjid walba looga baahan yahay in khudbadiisa ay xiriir la yeelato marxaladaha uu dalku marayo iyo waxa ay ku sheegeen Jihaadka.

Kulanka ay maanta yeesheen horjoogayaasha Al Shabaab iyo Mu’adimiinta masaajidda magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in mu’adimiinta aan loo ogolaanin inay goobta ka hadlaan oo ay dhiibtaan ra’yigooda ku aadan amarka ay ku soo rogeen Shabaabka.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Masaajidda Baydhabo oo amar lagu rogay, 2011/08/21
  2. Gaadiidleyda Kismaayo oo amarro lagu soo rogay, 2011/06/01
  3. Macallimiinta Shabeellaha dhexe oo amarro lagu soo rogay, 2011/02/17
  4. Baydhabo: Al Shabaab oo amarro ku soo rogay xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta, 2011/01/17
  5. Al Shabaab oo la wareegaya furayaasha masaajidda Beledweyne, 2011/01/14

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal