Mudaaharaadyo ka dhacay Boorame.
Bar-kulan:Boorame-Mudaaharaadyo iska soo horjeeda oo ku saabsan cabashooyin la xiriira dhismaha dowladda cusub ee Somaliland iyo taageerada xukuumada la dhisay ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobalka Awdal.
Dadka ka mudaaharaadayay ineysan ku qanacsaneen dowladda la dhisay ayaa ku eedeeyay dowladda inaaney gobalka Owdal la siinin saamigii ay xaqa u lahaayeen, waxeyna codsadeen in la siiyo xaqa ay dowladda ku leeyihiin.
Dadkan oo u badnaa dhalinyaro ayaa dhagaxaan ku tuuray ciidamada amniga oo iyaguna kaga jawaabay xabado ay kor u rideen si ay u kala eryaan mudaaharaadyaasha.
Dibadbaxyaashii taageersanaa xukuumada la dhisay ayaa sheegay iney ku qanac sanyihiin xubnaha dowladda cusub oo ay sheegeen iney yihiin kuwo taya leh oo wax ka taraya duruufaha Somali-land.
Mudaharaadyadan ayaa waxaa ka hadlay xubno ka madax banaan dhinacyada kala afkaarta duwan oo ku hadlaayay magaca xisbiga Ucid waxeyna sheegeen inaaney habooneen mudaaharaadyada ka jira gobalka Owdal, iyadoo sadax maalmood laga joogo markii uu xilka wareejiyay Madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin, oo isagu ka soo jeedo gobalka Owdal.
Bar-kulan.