Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Maraakiib Dagaal oo Ka Noqday Somaliya

Qaahira:Bar-kulan-Laba markab oo nooca dagaalka ah oo Shiinaha leeyahay ayaa ka shiraacday dekada Alexandria ee dalka Masar kadib markii ay halkaas booqasho shan cisha ah ku joogeen iyagoo ka yimid biyaha Soomaaliya, islamarkaana soo dhameystay howlgalkoodii ka dhanka ahaa burcad badeeda Soomaalida ah.

Labada markab dagaal oo ah nooca wax burburiya, laguna kala magacaabo Guangzhou iyo Chaohu ayaa waxay qeyb ka ahaayeen koox maraakiib ah oo dowlada China ay u dirtay gacan biyoodka Cadan iyo biyaha dalka Soomaaliya si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ah ee isticmaala biyaha Soomaaliya.

Abbaanduulaha ciidamada badda ee dalka Masar Axmed Cabdulcaziiz ayaa isagoo ku sugan saldhiga ciidamadda badda ee magaalada Alexandria sheegay inay si diiran u soo dhaweeyeen maraakiibta dagaalka ee China intii ay booqashada ku joogeen dekada badda Mediterranean-ka ee Alexandria ee dalka waqooyiga Afrika ku yaal ee Masar.

Sidoo kale taliyaha hogaaminaya ciidamada Shiinaha ee la socday maraakiibta dagaalka ee ka shiraacday dekada magaalada Alexandria ayaa sheegay in booqashada 5-ta maalmood ah oo ay ku joogeen Alexandria ay aheyd mid ay ku sii horumarinayaan iskaashiga dhinaca militari ee ka dhaxeeya ciidamada badda Shhiinaha iyo ciidamada kale ee mariiniska ee ku hareereysan biyaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Shiinaha ee la socda la socda labada markab dagaal oo ka hadlayey howlgalka ay soo dhameysteen ayaa wuxuu yiri “Ciidamada Badda Shiinaha waxay howlgalkaan wadeen dhowr bilood inkastoo 40 markab oo ka kala socda 15 dal ay caawinayaan howlgalada lagu sugayo amniga badda ayaa hadana burcad badeeda Soomaaliyeed waxay sii kordhinayaaan weerrarada badda oo ay ku qaadayaan maraakiibta iyo doomaha.

Labada markab dagaal ee Shiinuhu leeyahay  ayaa ku guulaystay  galbinta 588 Maraakiib isugu jirtay kuwa laga leeyahay dalka China iyo kuwa kaleba  tan iyo markii ay gaareen  biyaha burcad badeedu  ka macaashaan ee Somaliya  horaantii Bishii March ee sanadkan.

Isku soo wada duuboo labadan markab dagaal ee Shiinuhu leeyahay ayaa maanta oo Jimce ah ka shiraacday dekeda magaalada Alexandria ee dalka Masar iyagoo sii wadan doona safarkooda ay dib ugu gurya noqonayaan.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Markab dagaal oo qabtay burcad badeed Soomaali ah, 2011/02/13
  2. Burcad badeeda oo Afduubay Markab Jabaan laga Leeyahay, 2010/10/11
  3. Shiinaha oo Ilaalinaya Maraakiibtooda Ganacsiga., 2010/06/19
  4. Maraakiib hor leh oo la afduubtay., 2010/05/12
  5. Burcad badeeda oo afduubay 3 markab., 2010/04/25

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal