Koonfur Afrika oo Laga Yaabo inay Ciidamo u dirto Soomaaliya
Bar-kulan-: Dowlada Koonfur Afrika ayaa ka baaraandageysa inay ciidamo isugu jira kuwa badda iyo ciidamo military u dirto Somaliya si loo xoojiyo ciidamada midowga Afrika ka jooga Somaliya ee AMISOM, sidaas waxaa yiri wasiirka difaaca ee Koonfur Afrika gabadha lagu magacaabo Lindiwe Sisulu.
Wasiirada Difaaca ayaa sheegtay inuusan jirin codsi gaar ah oo uga yimid midowga Afrika, laakin ay ka go’an tahay inay caawiyaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaliya.
Wasiirada ayaa tibaaxday in haddii Koonfur Afrika ay diido codsiga uga yimaada midowga afrika ay meel ka dhac ku noqon doonto dalka Koonfur Afrika oo qaarada Afrika sharaf iyo xurmo intaba kuleh, waa sida hadalka u dhigtee.
Hogaamiyayaasha midowga afrika ayaa todobaadkan isku waafaqay in la xoojiyo ciidamada 6-da kun ah ee jooga soomaliya iyagoo markaas laga habaqtiro baahida qalab iyo saanad oo ay u baahan yihiin, iyo sidoo kale in lagu siyaadiyo ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 2000.
Mar ay wasiirada difaaca Lindiwe isu barbardhigeysay ciidamo u dirista Somaliya iyo ciidamadii ay u direen dalalka Congo iyo Sudan ayey sheegtay inaan la isu barbardhigi Karin, oo xaladaha ka kala taagan wadanka Somaaliya iyo wadamadan ay aad u kala duwan yihiin, sidaas awgeedna ay Koonfur Afrika u baahan tahay inay fahanto waxa ka dhacaya Somalia inta ay le’eg yihiin.
Wasiirka ku xigeenka wasaarada difaaca Thabang Makwetla ayaa sheegay in ciidamada ay Koonfur Afrika u dirtay dalalka Congo iyo Sudan ay yihiin kuwa nabada illaaliya, halka haddii ay noqoto in koonfur afrika ay ciidamo u dirto Somalia ay noqonayaaan ciidamadaas kuwa dhaqan geliya nabada.
Wasiirka difaaca, gabadha lagu magacaabo Sisulu ayaa sheegtay in arrinta ay hada u taal madaxweynaha koonfur afrika ee Jakob Zuma, iyadoo intaas ku dartay in madaxweynaha uu arintaan go’aan ka soo saarayo sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo qodobkan hor dhigi doona golaha wasiirada.
Wasiirada ayaa ka caga jiideysa inay u ololeyso in ciidamo koonfurka afrika u dhashay la geeyo somaliya, iyadoo dhanka kalena shegtay in hadiiba ciidamo la dirayo la raacin doono kuwa badda si ay ula dagalamaan burcad badeeda.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in biyaha Somalia oo ciidamo loo diro aysan wax micne ah sameeyneen, oo arrinta ugu xasaasisan ay tahay in dowlada KMG ah ee Soomaaliya la taageero
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay sida dadka u dhashay koonfur afrika ay uga jawaabi doonaan hadii ciidamo loo diro wadanka afrika ugu qalalaasaha badan ee Soomaaliya.
Dhibaatada sii kordheysa iyo dagaalada aan joogsiga laheyn ee ka socda dalka Soomaliya ayaa keenaya in ciidamo dheeraad ah loo dalbo dalka ay isku heystaan dowlada KMG ah iyo ururada mucaaradka ah ee Al Shabab iyo Xisbul Islam oo saddexdii sano ee u dambeysay dagaal faraha looga gubtay kula jiray ciidamada dowlada iyo kuwa amisom si ay dowlada u ridaan. Dalka Soomaaliya muusan helin dowlad waxqabad fiican leh tan iyo intii la afgembiyey madaxweyne siyaad bare.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
- Al Shabaab oo uga digtay Jabuuti inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, 2011/05/16
- Jabuuti oo Doonaysa inay Ciidamo u Dirto Soomaaliya, 2010/10/12
- Koonfur Afrika Ciidamo uma Direyso Soomaaliya, 2010/10/07
- Koonfur Afrika oo daneyneysa inay ciidamo u dirto Soomaaliya, 2010/08/15
- Itoobiya oo Lag yaabo iney ciidamo u soo dirto Soomaaliya, 2010/08/12
