DKMG oo Dad Ku Xirxirtay Ceelbarde
Ceelbarde:Bar-kulan-Howlgalo ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka sameeyeen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayay ku soo qabqabteen dad ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab.
Howgalada ayey dowladdu sheegtay inay yihiin kuwo lagu sugayo amniga degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo deegaanada hoos yimaada ee ku dhaw degmada Xudur oo ay gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelbarde ee dowladda KMG Cumar Dheere ayaa Bar-kulan u sheegay in dadkii ay ku qab qabteen howlgalkaasi ay geeyeen xabsiga degmada Ceelbarde si baaritaano loogu sameeyo.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray iney guulo ka gaareen howlgaladii ay sameeyeen, ayna sii wadi doonaan si ay u xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelbarde ayaa waqtiyadii u dambeeyay waday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee gacanta ku haysa qeybo ka mid ah gobolada Baay iyo Bakool.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
