|

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Hiiraan.

Bar-kulan:Hiiraan-Horjoogayaasha Al-shabaab ee gobalka Hiiraan ayaa wacad ku maray iney weeraro culus kala hortagi doonaan ciidamada dowlada KMG Somaliya ee dhaq dhaqaaqyada xoogan ka wada isgoyska kala beyrka oo 28Km dhanka wuqooyi ka xiga magaalada Balad-weyne.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Alshabaab oo shacabka kala hadlayay Masaajidada ku yaala magaalada iyo baabuur ay ku rakibeen cod baahiyaal ayaa sheegay in loo baahan yahay iney dadka ka qeyb qaataan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada DKG Somaliya iyo kuwa Amisom.

Horjoogayaashan ayaa xusay in maleeshiyadooda ay u diyaar garoobeen dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda ee ku wajahan deegaanada gobalka Hiiraan oo ay inta badan ka arimiyaan kooxda Alshabaab.

Maleeshiyada Alshabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ku qul qulaya difaacyada ay ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka diyuuradaha ee Ugaas Khaliif, iyagoo ka cabsi qaba in weeraro ay uga yimaadaan ciidamada dowladda.

Dhaq dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyada Alshabaab ayaa ku soo beegmaya xili Saraakiisha Cidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska kala beyrka ay ku hanjabeen in sacada soo socda ay gacanta ku dhigo doonaan magaalada Balad-weyne.

Shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay hanjabaadaha ay jeedinayaan labada dhinac, iyagoo ka cabsi qaba in dhibaatooyin ay ka soo gaaraan hadii dagaalo ay dhaxmaraan labada dhinac.

Bar-kulan.

is diiwaan geli si aad fikir u dhiibato Gal