|

Dagaalo ka dhacay Ceel-barde.

Bar-kulan:Ceelbarde-3 Qof ayaa ku geeriyootay dagaalo culus oo Ciidamada dowladda KMG Somaliya iyo Maleeshiyada Alshabaab ku dhaxmaray degmada Ceel-barde ee gobalka Bakool.

Dagaalkan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac dhax maray xalay fiidkii waqti ay dadka intiisa badan guryaha ku jireen.
Gudoomiyiha dowladda KMG Somaliya ee gobalka Bakool Max’ed Cabdi Tool oo Barkulan la hadlay isagoo ku sugan degmada Yeed ee gobalka Bakool ayaa sheegay iney maleeshiyada Alshaab ay weerarka soo qaadeen balse ay iska caabiyeen.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in 2 askari ay ka dileen Shabaabka ayna ka qabsadeen mid ka mid ah gaadidka dagaalka, wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhinacooda ka geeriyooday hal askari.

Horjoogaha dhinaca Amniga u qaabilsan kooxda Alshabaab Sheekh cabdi-raxmaan Mire Mataan, oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Baydhaba ayaa sheegay iney weerarka iyagu ku qaadeen degmada Ceel-barde ayna kala wareegeen ciidamada dowladda balse ay saaka dib uga soo baxeen degmadaasi.
Lama oga khasaaraha ay dagaaladaasi u geesteen dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Ceel-barde ee gobalka Bakool.

Bar-kulan.

is diiwaan geli si aad fikir u dhiibato Gal