Britain oo ka Hadashay Xaaladda Soomaaliya.
Bar-kulan: Nairobi- Wasiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Africa Henry Bellingham, ayaa sheegay in go’aamada ka soo baxay shirkii midowga Africa uu wax weyn ka badali karo xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya.
Henry Bellingham, oo wareysi gaar ah siiyey Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in si wanaagsan loo qalabeeyo ciidamada nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya ee AMISOM, lana siiyo tababar wanaagsan si ay u gutaan howlaha geesinimada leh ee ay ka hayaan Soomaaliya.
Wasiirka Dowladda Ingiriiska ugu qaybsan arrimaha Africa, waxa uu sheegay in dowladiisa ay bixiso lacagaha ugu badan ee Midowga Yurub ku bixiyeen mushaaraadka Ciidamada AMISOM.
Henry Bellingham, ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Ingiriiska ay si weyn u taageersan tahay dowladda KMG ah ee Somaaliya, wuxuuna sheegay in mudadii uu joogay Kambala uu kulamo xasaasi ah la qaatay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Bellingham, ayaa sheegay in uu ku booriyey xubnaha dowladda Soomaaliya ee uu la kulmay in ay xoojiyaan saameynta ay ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay muujiyaan wax-qabadkooda.
Wasiirkaan Ingiriiska ah, ayaa sheegay in qaraxyadii kooxda Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha Kambala ay fariin u tahay qof walba, wuxuuna tilmaamay in beesha caalamka, wadamada Africa iyo urur goboleedka IGAD ay ka go’an tahay in ay wadashaqeeyaan si xal loogu heli arrimaha Soomaaliya.
Henry Bellingham, wasiirka dowladda Ingiriiska ugu wakiilka ah Afica, ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalka Ingiriiska ay ku nool yihiin jaaliyad aad u ballaaran oo Soomaali ah, kuwaasoo uu sheegay in ay si weyn u daneynayaan in wax laga qabto dhibaatooyinka Soomaaliya.
Henry Bellingham, ayaa ku celceliyey in wax walba ay ku xirnaan karaan firfircooni dheeraad ah oo ay xubnaha dowladda ku soo jiitaan dadweynaha, si ay u muuqato daacadnimadooda.
Wareysigan oo uu wasiirku siiyay Bar-kulan waxaad ku maqli doontaan Barnaamijka Martida todobaadka ee Raadiyaha Bar-kulan maalinimada axada ah ee soo socota.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
