Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Dagaal ka dhacay Dhoobley

Barkulan (Dhoobley):  Xaaladda degmada Dhoobley ee ku taalla soohdinta Somalia iyo Kenya ayaa yara xasiloon in kastoo weli dareenka ka jira uu kacsan yahay, ka dib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray maleeshiyada Shabaab iyo maleshiyo u dagaallanta Sh. Axmed Madoobe.

Dagaalka oo billowday xalay abaarihii 4:00,  in yar ka hor intii uusan waagu baryin, ayey wararku sheegayaan inay soo qaadeen maleeshiyada Axmed Madoobe, wuxuuna dagaalku socday ilaa saaka 10kii barqannimo.

Ilo wareedyo ku saabsan khasaaraha dagaalka ayaa Barkulan u xaqiijiyey in ugu yaraan 10 askari oo maleeshiyada Shabaab ka tirsan ay dagaalka ku dhinteen, halka dhinaca Axmed Madoobena ay 2 askari ka dhinteen.   Waxaan weli caddayn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah iyo guud ahaan magaalada Dhoobley.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Dagaal ka dhacay Dhoobley, 2011/09/30
  2. 5 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Garbahaarrey, 2011/09/28
  3. Dagaal mar kale ka qarxay Dhoobley, 2011/04/03
  4. Dagaal saakay ka socda Dhoobley, 2011/04/01
  5. Dhoobley oo dagaal xooggan uu ka socdo, 2011/03/20

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal