Madaxweyne Shariif oo la kulmay Johnny Carson
Bar-kulan: Muqdisho-M/weynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa kulan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya la yeeshay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa Johnny Carson.
Kulankaan, ayuu M/weyne Shariif uga warbixiyay sida ay dowladiisu ugu howlan tahay dib u soo celinta nabadda iyo culeyska ka heysta kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda.
Johnny Carson, ayaa M/weynaha Soomaaliya warbixin kooban ka siiyey kullan xasaasi ah oo uu Carson la yeeshay madaxda dalalka Africa oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Kullankaasi uu Carson la yeeshay madaxda Africanka ah, ayaa la sheegay in hoggaamiyaasha ay isku waafaqeen in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid saameyn halis ah ku ah dalalka gobolka iyo caalamka oo dhan, loona baahan yahay in dadaal wadajir ah loo galo sidii looga hortagi lahaa dhibaato ka timaada Soomaaliya.
Johnny Carson, ayaa M/weynaha u sheegay in muddo 15 maalmood ah ay kulan iskugu imaan doonaan dalalka muujiyay in ay taageero u fidiyaan dowladda Soomaaliya.
M/weyne Shariif ayaa dhiniciisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso sidii dib loogu soo celin lahaa amniga, dib u dhiska hay’adaha dowladda, hirgalinta howlaha bini’aadanimo, wuxuuna ka codsaday dowladda Mareykanka in dhammaan qodobada muhiimka ah ay gacan weyn ka geysato.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa Johnny Carson, ayaa u sheegay M/weyne Sh. Shariif in dowladda Mareykanka ay ka shaqeyneyso sidii nabad buuxda looga heli lahaa arrimaha Soomaaliya.
Bar-kulan, Kampala
Warbixinada la Xiriira:
- Madaxweyne Shariif oo la kulmay guddoomiyaasha degmooyinka Muqdisho, 2011/10/04
- Madaxweyne Shariif oo dhigiisa dalka Tanzania la kulmay, 2011/04/16
- Mahiga oo la Kulmay Madaxweyne Shariif, 2010/09/07
- Madaxweyne Shariif oo la kulmay Madaxweyne Mubaarak, 2010/07/18
- Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Qaraxyada Kampala, 2010/07/17
