Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Qorshe Cusub oo ku Wajahan Siyaasadda Soomaaliya.

Bar-kulan: London- Brawny Burton oo ka socotay xarun la shaqaysa Hogaanka arrimaha dibadda Mareykanka iyo qaar kamida ururada ka dhisan wadanka Britain ayaa ku soo bandhigay xarunta caalamiga ah ee Chatham House qorshe cusub oo ku wajahan siyaasada Mareykanka ee arrimaha Soomalaiya.

Brawny Bruton oo sidoo kale ka shaqaysa xarunta Research Centre for Afrika ayaa qoraal ay dhawaan soo saartay waxaa ay ku sheegtay in mareykanka looga baahan yahay in uu faraha kala baxao siyaasada Soomaaliya maadaama uu dhawr mar ku fashilmay.

Doodii ay ku soo bandhigtay Xarunta Chatham house oo ay ka qayb qaadanayeen Dublamaasiyiin kakala socotay safaaradaha qaarkamida wadamada afrikaanku ku leeyihiin Magaalada London ayay si weyn ugu sharaxday in Dawlada Mareykanku aanay awoodi Karin dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan arrimaha Soomaaliya sidaasi daraadeed Soomaalida iyada la isu daayo oo uu mareykanka dhinaca Badda ka ugaarsado kooxaha ajaaniibta ah ee ka tirsan Al qaacida ee ka imaanaya wadamada caalamak.

‘’Soomaaliya cidii qabsanaysa ha qabsato hadii ay yihiin Al-shabaab ama Xisbul islaam ama ururo diimeedyo kale sidaasi daraadeed ma jirto xiligaan door uga banana mareykanka Soomaaliya waayo ma wanaagsana in siyaasada mareykanka ay marwalba ku fashilanto Xaalada Soomaaliya ayay tiri Brawny Bruton oo aragti ahaan qabta in ay haboontahay in mareykanku xaga horumarka iyo siyaasada kala shaqeeya cid kasta oo awood ahaan kula waregta Xukunka Dalka Soomalaiya.

Fursadii ay mareykanka iyo Britain u lahayaeen in 2006 dii in ay la kulmaan midawgii maxkamadaha oo ay ku jirtay alshabaab ayaa ahayd fursad aad u saraysa waayo uma midaysnayn sida ay hada dhinaca fikirka uga midaysan yihiin , Waxaa jira shakhsiyaad ka wakiil aha aqabiiladooda oo ay kamid ahaayeen:

Shiikh Xassan Daahir Aweys ,Axmad Madoobe iyo Xassan turki aad bay ukala duwan yihin waxayna kakala yimaadeen goobo aad ukala duwan waxayna mudanyihiin in wadaxaajood la la furo iyaga iyo shakhsiyaad muhiimka ahaa intii siyaasado khaldan la adeegsan lahaa .

Waana ogahay in ay adag tahay xiligaan in al shabaab oo ay ku jiraan kooxo xagjir ah oo mawqifkooda aanu dhaweyn la lahadlo balse waa in la helaa siyaasad fur furan oo lagu wajihi karo Soomaaliya.

Waxaa ay tiri Dawladaha Yugaandha ,Kinya iyo Itoobiya waa dawlado fulinaya qorshaha Mareykanka kuna socda qaab ka ama shaxda uu mareykanku ka doonaya Soomaaliya waxaana haboon in Soomaalida la isudaayo iyadoo tusaale u soo qaadatay 2006 dii markii ay Caasimada Soomalaiya la wareegeen Xoogaga Midawga Maxaa kiimta ee ay Al- shabaab qaybta ka ahayd.

C/risaaq Maxamad Aadan oo oo ka shaqeeya xarun loogu magacdaray Aadan Communications oo la shaqaysa media ha islamarkaana wax ka qorta Horumarka iyo Dawlad wanaaga ayaa ku tilmaamay siyaasada Mareykana eek u wajahan Soomaaliya mid tobankii sano ee la soo dhaafay dhibaato mooyee aan horumar samaynaynin islamarkaana ay qolyaha sirdoonka mareykanku ay warka ka qaadanayeen ilo khaldan.

Sidaasi daraadeed mareykanku wuxuu qaatay go aan khaldan markii uu imaanayay Soomaliya waxaana natiijadi i ka soobaxday ay noqotay in khilaafka soomalaiya uu sii daba dheedaado islamarkaana ay adkaato xalinteeda

Tusaale ahaan 2006 dii sirdonka mareykanku waxaa kamid aha ago aanadii khaldanaa ee ay qaateen abuuritaan kooxaha Hogaamiya kooxeedyada ahaa ee ay ugu magacdareen ladagaalnka argagixisada taasi oo keentay kacdoon dadweyne iyo abuuritaanka Al shabaab.

Bartamihii 2006 dii cududa ciidan ee al shabaab waxaa ay ahayd afarboqol waxaana mar aan xiligaasi booqday aan la kulmay Godane oo ahaa xoghayihii Guud ee Midawga Maxaakiimta iyo Fu aad khalaf oo waxbarashada qaabilsanaa kuwaasi oo uu hogaaminaya Madaxweynaha hada ee Shiikh Shariif xiligaasina siyaasada mareykanku uma diyaarsanayn lama caamilka maamulkii lixda bilood ee maxkamadaha.

Xiligaan oo aanay siyaasada Mareykanku saxsanayn Al-shabaab waxaa ay haystaan Ciidamao tababaran oo Lix il aa Sideed kun gaaraya kuwaasi oo intabadan ka taliya intabadan gobolda dalka Soomalaiya.

Doodihii kal duwana aee ay dhinacyada xarumaha cilmi barista ka socday ay ku soo bandhigeen Xarunta Chatham House oo isaga mid ahaa siyaasada Itoobiya eek u wajahan Soomalaiya iyo abuuritaanka cudud iyo ciidamo badan oo ka buurmay faraglintii itoobiya ee Soomaaliya ayaa khasabtay in Danjiraha itoobiya ka fadhiya wadanka Britain uu jawaab kulul ka bixiyo isagoo yiri’’ aadbana uga xamahay in hadaladiina ay ka buuxaan erayo ka dhan ah Itoobiya oo aan sumcad ahana wanaagsanayn Itoobiyana cadaw uma ahan Soomalaiya ee waxaa ay ka shaqaynaysay oo ay ka hortagaysay kooxo qas wadayaal ah oo dhibaatadoodu aanay saamaynaynion oo kaliya Soomaaliya balse ay wadagaarayso Caalmka intiisa kale.

Dooda ka dhacday Xarunta Chatham House oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ajnabi iyo Soomalai isugu jiray kuwaasi oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa su aalo badan oo ay weydiiyeen Brawny Bruton oo ka socotay xarun cilmi baariseed oo la shaqaysa waaxda arrimaha dibada Mareykanka iyo ururadii kale waxaa ay isaga fikir ahaayeen in muhiimada la siiyo aaya katashiga Soomalaiya oo laga daayo faragalinta aan horumarka ka shaqaynaynin.

Markii uu kulanka Doodu soo gabagaboobay ayaa la kulmay C/risaaq Maxamad aadan oo ahaa aqoonyahankii ka socday Xarunta horumarinta iyo dawlad wanaaga ee fadhigoodu yahay London anigoo kala sheekaystay waxyaabaha keenay dooda iyo in xiligaan la soo bandhigo fikirka ka dhanka ah siyaasada mareykanka eek u wajahan Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo dodo noocaan oo kale ah lagu soo bandhigo xarunta Chatham house balse doodaani waxaa ay uga duwanayd doodihii hore iyadoo markii ugu horeysay mawqif cad oo ay ururada wax ka qora arrimaha geeska afrika ay isku aragti ka noqdeen in soomaalida la isu daayo oo hadii ay Al shabaab xukunka la wareegto lala macaamilo ,kooxaha ajaaniibta ahna laga ugaarsado banaanka .

Boggaan qeybtiisa hoose ayaad ka dhageysan kartaa warbixinta.

Bar-kulan.

London.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Midowga Yurub oo dejisey qorshe cusub ee la dagaallanka burcad badeedda, 2011/12/13
  2. Qorshe ciidamo dheeraad ah loogu soo dirayo Soomaaliya, 2011/04/28
  3. Muwaadiniinta Mareykanka oo looga digay inay u safraan Soomaaliya, 2010/12/30
  4. Max’ed C/lahi Farmaajo oo loo magacaabay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya, 2010/10/14
  5. London: Dareenka dagaalyahanada Soomaaliya., 2010/05/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal