Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Booliska Uganda oo la hadlay Soomaalida

Kampala:Bar-kulan-Saraakiisha ciidamadda Ammaanka ee Kampala, ayaa u sheegay dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku dhaqan in aan loo ciqaabi doonin dadka Soomaalida ah arrimo la xariira qaraxyadii maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka geysteen magaalada Kambaala.

Saraakiishaan ayaa ka hadlay kulan ballaaran oo dhinaca amniga looga hadlayay oo ay iskugu yimaadeen Soomaalida Uganda ku nool iyo xubno ka socday dowladda Uganda.

Kibreera Roose oo ka mid aheyd madaxdii reer Uganda ee ka hadlay Kullanka, ayaa dadka Soomaalida ah u sheegtay in ay iska saaraan cabsida, iyadoo u ballaan qaaday in dowladda Uganda aysan ku dhaqaaqi doonin tallaabooyin ka dhan ah dadka Soomaalida.

Kibreera, ayaa dadka Soomaalida ah u soo gudbisay salaan ay sheegtay in ay kaga waday M/weynaha Uganda, waxayna sheegtay in salaanta ay ka turjumeysa sida uu Yuweeri Muzafeeni siyaar ugu yahay in la ilaaliyo amniga shacabka Soomaalida.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska wakiilna ka ahaa taliyaha ciidamada booliska ee Uganda, ayaa Soomaalida u sheegay in ay ku xisaabtamaan in Uganda ay tahay sida dalkooda oo kale, wuxuuna siiyay taleefano ay kula xiriiri karaan saldhigyada booliska haddii ay arkaan dad dhibaato u geysanaya.

Xubno ka tirsan Soomaalida oo kulankaas ka hadlay, ayaa ballan qaaday in ay si weyn ula shaqeyn doonaan booliska iyo hay’adaha kale ee amniga Uganda, si looga hortago falal la mid ah kuwii ka dhacay Kambala axadii aynu soo dhaafnay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxyadii ka dhacay Kambala, iyadoo booliska Uganda ay sheegeen in ay heleen madax qof Soomali ah oo la rumeysan yahay in uu yahay qofkii fakaasil is-qarxinta ah geystay gaar ahaan  mid ka mid ah goobaha la weeraray.

Bar-kulan, Kampala

Warbixinada la Xiriira:

  1. Booliska Uganda oo heegan la galiyay, 2011/07/08
  2. Uganda oo Soomaalida uga digtay inay qariyaan argagixisada, 2011/06/17
  3. Booliska Uganda oo weerarro ka digay, 2011/02/05
  4. Dad Soomaali ah oo lagu xiray Uganda, 2010/12/12
  5. Soomaalida Uganda oo fursad la siiyay, 2010/06/13

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal