Hay’adihii oo Isaga Baxay Xerada Al Kharaz.
Bar-kulan: Sanca_ Hay’adihii samafalka ee ka howl-gali jiray xerada qaxootiga Soomaalida ku jirta ee Al-kharas ee dalka Yemen, ayaa halkaas isaga baxay kadib marki koox dabley oo dadka deegaanka ah ay weerareen xerada.
Dableyda, ayaa ku amray mas’uuliyiinta hay’adaha ka howl-gali jiray xeradaas in ay saacado kooban ugu baxaan guud ahaan deegaanada ay dadka Yemeniyiinta ah ee gobolka Lexej deggan yihiin.
Max’ed Aadan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerada Qaxootiga ee Al-kharas, ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee dableyda go’aankaan u qaadatay ay tahay markii dowladda Yemen ay oggolaatay in xero KMG ah dadka qaxootiga ah ee badda tahriibka ku soo mara looga sameeyey deegaanka gobolkaas ka mid ah, taasoo ay si weyn uga soo horjeedeen.
Qaxootiga Somalida ah ee ku jira Al-kharas, ayaa walwal ka muujiyey daryeel la’aanta soo food saari karta xilli dhammaan hay’adihii ka howl-galayey jiray Xerada qaxootiga ee Al-kharas.
Maamulka gobolka ay xerada ku taala, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan wadahadalo dheeraad ah oo ay la yeeshaan odayaasha dadka deegaanka si loogu oggolaado hay’adaha samafalka in ay gargaarka gaarsiin karaan dadka qaxootiga ah.
Bar-kulan.
Yeemen.
Warbixinada la Xiriira:
