Dad Lagu Xiray Kampala.
Bar-kulan: Kampala- Illaa todobo qof oo laba ka mid ah ay Soomaali yihiin ayaa lagu qabqabtay dalka Ugandha iyadoo arrintaasi ay ka danbeysay qaraxyadii ka dhacay magaalada Kambala ee dalkaasi.
Dadkaasi la qabqabtay ayaa waxay yihiin Ajnabi iyadoo ay warar kalena ay sheegayaan in ay jiraan Soomaali kale oo la xiray kuwasoo loo aaneynayo in ay sharci darro ku joogeen dalka Ugandha.
Dhamaan dadka Soomaalida ee ku nool Magaaladda Kambala oo intooda badan ka soo cararay dagaa-ladda naxariis darrada ah ee ka jira Magaaladda Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa mar kale soo foodsaartay cabsi la xiriirta in loo waxyeeleeyo qaraxyaddii mataanaha ahaa ee ka dhacay dhowaan Kambala.
Taliyaha Boliiska ee Ugandha Jen. Kiyuhuru ayaa sheegay in amaanka Guddaha ee dalka Ugandha si weyn loo adkeeyay oo uu sheegay in aysan jirin cid loo dhibaateyn karo falalkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaaladda kambala.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
