UNHCR oo Mashaariic Ka Fulineysa Yemen.
Bar-kulan: Cadan- Masuul katirsan Hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Pitter walkout iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxa uu dalka Yemen ku yimid booqasho uu ugu kuur galayo xaaladda qaxootiga Soomaalida u badan ee Yemen ku sugan isagoo gabo gabadii booqashadiisana sheegay in qaxootiga Yemen ay hay’adda UNHCR u fulineyso mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay miisaaniyad xooggani ku baxeyso.
Ugu horreynba masuulkan waxa uu booqasho ku tagey goobaha ay ku jiraan qaxootiga Soomaalida ah ee Yemen jooga oo ay ugu horreyso xerada Alkharaz iyo waliba xaafadda basaatiin ee magaalada Cadan isagoo sidoo kalena soo eegay goobta lagu diiwaan geliyo isla markaana waraaqaha aqoonsiga ah lagu siiyo qaxootiga Soomaalida ah oo ku taalla gudaha xafiiska Socdaalka Yemen ee magaaladan Sanca.
Booqashooyinkaasi indha-indheynta ah kadib waxa uu Madaxa UNCHR iyo wafdigii wehliyayba kulan la qaatay Madaxda dowladda yemen ee ku lugta leh arrimaha qaxootiga sida ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Yemen Dr: Cali Muthanna oo isagu madax u ah guddiga qaxootiga qaranka dalkan Yemen iyo masuuliyiin kale kuwaasoo ay kala xaajoodeen barnaamijyo dhinaca horumarinta ah oo ay UNHCR dooneyso in ay u sameyso Qaxootiga Yemen jooga.
Markii ay soo idlaadeen kulamadii uu madaxa hey’dda jimciyadda quruumaha ka dhexeysa arrimaha qaxootiga u qaabilsan Pitter walkout lalahaa madaxda dalkan Yemen qaarkood ayaa shir jaraa’id oo uu afxir uga dhigayay booqashadiisa oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay qorsheyaal ay hey’adiisu dooneyso in lagu hormariyo qaxootiga Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Yemen ku sugan isagoo sidoo kalena kusoo hadal qaaday qodobo la xiriira natiijadii kazoo baxday wadahadalladii uu la yeeshay qaar ka tirsan saraakiisha dalkan.
Mr Walkout waxa uu ugu horreynba kaga hadlay shirkiisaasi jaraa’id ee uu magaalada Sanca ku qabtay in hey’addiisu ka go’an tahay hagaajinta nolosha qaxootiga iyadoo loo fulinayo sanadkan 2010ka mashaariic horumarineed ay ku baxeyso miisaaniyad dhan 52milyan oo Doolarka mareykanka ah.
Madaxa Hey’adda UNHCR waxa uu xusay in lacag ku dhaw 24milyan oo doollar laga qarash gareeyay miisaaniyaddaasi loo qoondeeyay in sare loogu qaado nolosha qaxootiga Yemen ku sugan ee Soomaalida u badan laga soo billaabo bishii Janaayo ilaa bishii June ee aanu kazoo gudubnay taasoo lagu fuliyay sida uu sheegay qorsheyaal lagu horumarinayo adeegga guud ee qaxootiga Yemen jooga.
Sarkaalka ugu sarreeya Hey’adda qaramada midoobay qaxootiga u qaabilsan ee marka magaceeda lasoo gaabiyo UNHCR loo yaqaano waxa uu sheegay in barnaamijyada ugu muhiimsan ee qaxootiga loo fulinayo ay yihiin kuwo lagu barayo sidii ay naftooda ugu tiirsan lahaayeen iyagoonan gacmo kale waxba ka sugeynin, taasoo ku imaneysa in qof walbaa lagu tababaro majaalka uu is leeyahay waxbaad ka keeni kartaa.
Waxaa kaloo uu Pitter walkout hoosta ka xarriiqay in qaxootiga Soomaalida u badan ee Yemen jooga si dhameystiran looga caawin doono dhinacyada waxbarashada carruurta iyo dadka waaweynba, caafimaadka, degaanka iyo waliba quutul-daruuriga.
Waxa uu ku amaanay dowladda yemen sida wanaagsan ee ay usoo dhaweysay qaxootiga tobannaanka kun ah ee dalkeeda usoo hayaamay isagoo dhinaca kalena xaqiijiyay in ay si kal iyo lab ah usoo dhaweeyeen mashaariicda ay hey’addiisu qorsheyneyso iyagoo waliba ballan qaaday in iyaguna wixii karaankooda ah ay ka geysan doonaan.
Inkastoo ay jireen hadallo yidadiilo leh oo ay horey UNHCR ugu sheegtay in wax looga badlayo nolosha qaxootiga SOomaalida u badan ee Yemen soo miciinka biday haddana waxaad arkeysaa tobanaan haween Soomaaliyeed ah oo carruurtoodu ay wehliso oo maalintii hor tuban xafiiska UNHCR ee magaaladan Sanca habeenkiina hor seexda iyagoo dalbanaya in wax laga baddalo noloshooda oo haatan ah mid aad u liidata.
Warbixinta boggaan qeybtiisa hoose ayaad ka dhageysan kartaa.
Bar-kulan.
Yemen.
Warbixinada la Xiriira:
- Deeq la siiyay qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah Yemen, 2011/06/17
- UNHCR oo kulansiisay Qaxoti Somali ah iyo Yemeniyiin, 2011/03/29
- Heshiis khuseeya qaxootiga Soomaalida oo Yemen lagu saxiixday, 2011/02/21
- UNHCR iyo Yemen oo ka wadahadlay qaxootiga Soomaalida ah, 2011/01/17
- UNHCR oo Booqatay xerada Al Kharaz, 2010/11/09
