Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Soomaalida Koonfur Afrika oo Cabsi Badani Soo Wajahday.

Cape-Town:Bar-kulan- Kulan looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa rabshado jinsiyad nacayb ah ee loo geysto Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur afrika iyo Afrikaanka kale ee ku nool dalka Koonfur afrika ayaa lagu qabtay magaalda Cape-town.

Kulankan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan dowladda Koonfur afrika oo uu ka mid ahaa wasiirka amniga, madax ka socotay hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR, urur diimeed, ururada bulshada rayidka ah iyo madaxda guddiga jaaliyadda Soomaalida western Cape ee dalka koonfur afrika waxaana kulanka inta badan diiradda lagu saaray sidii lagu baajin lahaa weeraro iyo boob loo geysto Soomaalida ku nool Koonfur afrika iyo dadka kale oo ka socoday jaaliyadaha kale oo ku nool wadanka Koonfur afrika.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay wadaan olole ay ku doonayaan inay uga hortagayaan rabshadaha jinsiyad nacaybka ee dadka koonfur afrikanka ah ee ugeystaan Soomaalida ku ganacsato dalka Koonfur afrika.

Wasiirka amniga qaranka dowladda Koonfur afrika Mr.a Nethi Mthetwa oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in hadii ay dhacdo arinkaa ka dowlad ahaan ay qaadi doonaan talaabo adag oo ay uga hortagayaan isagoo xusay in dowladda ay go’aan ku gaartay ka hortag weeraradan noocan oo kale islamarkaasna ay baaritaano ku sameyndoonaan dadka laga shikiyo in ay ka danbeeyaan falaalkaasi.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aysan xukumadu u dulqaadan doonin shaqsiyaad wata dana gaar ah ee barakicinta iyo dhaca u geysta dadka afrikaanka ee walaalahooda ah ee ku soo qaxay wadanka Koonfur afrika.

Madaxa isku xirka jaaliyadaha Soomaalida ee koonfur afrika Mahad Cumar Cabdi oo ka qayb galay kulanka ayaa bar-kulan u sharaxay todoba qodob oo dowladdu ay ka soo saartay dhibaatooyinka lagu hayo Soomalida ku nool Koonfur afrika.

Si kastaba ha ahaatee kulankani ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkan la dhilay labo ganacsadato Soomaaliyeed labo kalana la dhaawacay iyadoo dilaalkan iyo dhacan loo geysto Soomaalida Koonfur Afrika la kulmaan maalin waliba balse ciidamada ammaanku aysan wax badan ka qabinin falaalkaasi.

Radio Bar-kulan.

Koonfur Afrika.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo la kulmaya jaaliyadda Soomaalida, 2011/05/13
  2. Cabsi la soo daristay ganacsatada Soomaalida Koonfur Afrika, 2011/05/08
  3. Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika & booliska, 2010/11/30
  4. Cabsi soo Wajahday Soomaalida Yemen, 2010/08/16
  5. Soomalida ku ganacsata Koonfur afrika oo cabsi soo foodsaartay., 2010/05/27

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal