Xisbul Islaam oo mamnuucday xuska 1-da Luuliyo
Muqdisho:Bar-kulan-Maamulka ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa maanta amar ku siiyay warbaahinta iyo warfidiyeenada ka howlgala magaalada Muqdisho inaysan tebin xuska munaasabada 1-da Luuliyo.
Horjoogaha Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir Xaashi Maxamed Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ka mamnuuceen iddaacadaha baahinta barnamijyo lagu maamuusayo maalinta qaaliga ah ee xornimada Soomaaliyeed.
Horjoogahaas ayaa ugu hanjabay iddaacadii baahisa warar iyo barnaamijyo ku aadan 1-da Luuliyo inay tilaabo ka qaadi doonaan, wuxuuna intaas ku daray inaysan wariyayaashu ka qayb galin munaasabadaha lagu weyneynayo xoriyadda Soomaaliyeed sida Munaasabadda Calan saarka oo ku beegan caawa Saqda Dhexe.
Horjoogahaas ayaa sidoo kale sheegay inay mamnuuceen in iddaacaduha ay baahiyaan xusaska loo sameeyo munaasabadaha caalamiga ah ee maalmaha goonida ah la maamuuso, sida maalinta carruurta, maalinta haweenka iyo maalinta AIDS-ka, isagoo ku hanjabay inay tilaabo ka qaadi doonaan iddaacadii baahisa.
Amarka ay soo saareen kooxda Xisbul Islaam ee ku wajahan warbaahinta iyo munaasabadaha ayaa waxaa cambaareeyay dowlada Soomaaliya.
Afhayeenka wasaarada warfaafinta Cabdirisaaq maxamed Qeylo oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in talaabadaasi ay tahay mid muujinaysa sida ay kooxahaasi uga soo horjeedaan Qaranimadda Soomaaliyeed.
Hadalka Horjooge Xaashi Maxamed Faarax ayaa soo baxay maalin kadib markii horjoogayaasha kooxdiisa Xisbul Islaam u qaabilsan degmada Afgooye ay soo saareen amaro ay ku hor istaagayaan in shacabku ay u dabaal degaan munaasabadaha guud iyo kuwa gaar ka ah ee ay doonayaan inay maamuusaan.
Is-hortaaga kooxahaan ee Xuska maalinta Xoriyada ayaa waxgaradka Soomaaliyeed ku micneeyeen inay tahay tilaabo lagu aasayo taariikhda dheer ee ummadda Soomaaliyeed iyo halgankii ay soo martay, iyadoo la doonayo in jiilka maanta jiraa uusan waxba ka ogaan si loogu adeegsado burburinta dalka iyo diinta.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
