Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Odayaal ka digay burcad badeeda Jubbooyinka

Kismaayo:Bar-kulan-Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka  ku nool Jubbooyinka ayaa waxay cambaarayn usoo jeediyeen saldhigyada iyo howlgalada burcad-badeeda ay ka fuliyaan xeebaha gobolada Jubbooyinka. 

Nabadoon Nuur Ibraahim Sabriye oo ka mid ah duqayda dhaqanka ee Jubbooyinka, islamarkaana kasoo jeeda degmada Dhoobley  ee gobolka Jubbada hoose ayaa raadiyaha Bar-kulan u sheegay inay aad uga xun yihiin fariisimada tirada badan ee kooxaha burcad badeeda ka sameysanayaan xeebaha Jubbada hoose. 

Nabaddoonka ayaa wuxuu farta ku fiiqay ilaa iyo afar goobood oo kooxaha burcad-badeeda ay ku leeyihiin agagaarka dekada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo. 

Baaqa iyo cambaareynta ay odayaasha iyo waxgaradka waqtigan jeedinayaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli muddo gaaban ka hor ay kooxo burcad-badeeda ah ee  ku sugan xeebaha Jubbooyinka ay saxaafada u sheegeen inay heshiis iyo afgarad wada saxiixdeen maamulka Al Shabaab ee magaalada Kismaayo. 

Wariyaha Bar-kulan uga soo waramo magaalada Kismaayo ayaa wuxuu tilmaamay in magaalada Kismaayo lagu dhex arko gawaari muraayadahooda ay beensil yihiin, waxaana la aaminsan yahay in gawaaridaas ay si khaas ah u isticmaalaan kooxaha burcad badeeda ee ku sugan hareeraha magaalada Kismaayo. 

Sidoo kale waxaa xeebta xaafada Calanley ee magaalada oo ah xeeb aad u baaxad weyn lagu arkaa doomo ka duwan kuwa kalluumeystada isticmaalaan, waxaana doomaahas la aaminsan yahay inay addeegsadaan kooxaha burcad badeeda ee ka ugaarsada maraakiibta xeebaha Jubbooyinka iyo meelo ka baxsanba. 

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Burcad badeeda oo Markab afduubtay, 2010/09/29
  2. Burcad badeeda oo afduubyo gaystay., 2010/05/09
  3. Puntland oo weeraraysa burcad badeeda., 2010/04/23
  4. Odayaasha Jubbooyinka oo ka digay xaalufinta Dhirta., 2010/04/19
  5. Shabaab oo u digay beelaha Jubbooyinka, 2010/04/14

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal