Farshaxanka Cabdul Arts iyo Bar-kulan(Wareysi).
Cabdulaahi Muxuyadiin oo loo yaqaan Cabdul Arts waa wiil nin soomaali ah oo sawir gacmeedka sameeya, kuna nool Magaalada qaahira ee dalka Masar. Waxaana uu ka mid yahay ragga sawir gacmeedyadooda u sawira qaab Cartoons ah isagoo inta badan sawir gacmeedyadiisa ku cabbira dhinaca Siyaasadda Somalia.
Shaqada Farshaxanka
Cabdul isagoo ka waramaya qaabka uu ku bilaabay farshaxanka ayuu u sheegay wariyaha barkulan ee Qaahira in isagoo 10 jir ka yar uu bilaabay inuu sawiro sawir gacmeedyo, yaraantiisiina ay hiwaayad u ahayd farshaxanka, islamarkaana sida uu sheegay ay jireen rag saxafiyiin iyo farshaxan isugu jira oo ku dhiiri galiyay inuu sii wado oo heer ka gaaro howshaasi farshaxanka ee hiwaayada u ahayd.
Cabdul Arts waxaa uu sidoo kale Barkulan uga warramay qaabkii uu ku soo caan baxay, isagoo sheegay in sawir gacmeedyadiisa lagu soo daabici jiray qaar kamida wargaysyada Muqdisho kasoo bixi jiray iyo mareegyada internet-ka oo inta badan ay ka qaataan oo ay soo daabacaan sawiradiisa cartoons-ka ah ee badanaa ka hadla dhinaca siyaasada iyo hadba marxalada lagu jiro.
hanjabaado
Farshaxaniiste C/laahi Muxuyadiin oo loo yaqaan Cabdul Arts waxaa kaloo uu ka hadlay caqabadaha xiliyada qaar uu kala kulmo sawir gacmeed yadiisa isagoo xusay in sawirrada uu sawiro qaar ay ka qosliyaan shacabka daawada iyadoo haddana ay jiraan shaqsiyaad ka carooda sawir gacmeedyadaasi oo ku jira dowladda ama mucaaradka, marka sawiro iyaga siyaasad ahaan duraya ay ku arkaan bogagga internet-kana ay hanjabaado iyo aflagaaddo u soo diraan, halka kuwa kalena ay taleefanka uga hanjabaan sida uu sheegtay Cabdul Arts.
Dhinaca sawiridda Cartoons-ka uu sawiro Cabdul Arts oo aanu waydiinay inay yihiin kuwa kasoo maaxda maskaxdiisa oo uu isagu fikir ahaan leeyahay iyo inay yihiin fikir ay usoo gudbiyaan asxaabtiisa oo uu sawiro uun ayaa waxaa uu kaga jawaabay in inta badan sawir gacmeed yadiisa ay u badan yihiin kuwa maskaxdiisa uu ka keeno isagoo kala dhex baxa ama ka sameeya sheekada Sawirka hadba wararka uu ka daalacdo website-yada Soomaalida ama uu ka dhagaysto idaacadaha.
Wacyi gelin
Cabdul Arts ayaa waxaa uu sheegay inuu iminka doonayo inuu bilaabo sawirida sawir gacmeedyo wacyi galin xambaarsan isagoo sheegay inuu dhallinyada kala talin doono inay iska dhaafaan isticmaalka maandooriyeyaasha sida Khamriga, qaadka xashiishada iyo wixii la hal maala kuwaasoo aan caafimaad ahaan wanaagsanayn.
Boggaan qeybtiisa hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.
Warbixinada la Xiriira:
