Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Dowlada KMG oo ka hadashay dagaalka Muqdisho

Muqdisho:Bar-kulan-Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaalo maanta illaa xilli dambe oo galabta ah ka dhacayay deegaanadda waqooyi ee magaalada Muqudisho.

Afhayeenka wasaarada warfaafinta Cabdirizaaq Maxamed Qeylow ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen goobo ay horey ugu sugnaayeen kooxaha kasoo horjeeda dowladda sida degmooyinka Kaaraan iyo Cabdulcasiis. 

Mudane Qeylow ayaa sheegay in ciidamadda dowladu ay weli kusii siqayaan goobo cusub isagoo sheegay inay horumar ka sameeyeen dhanka xeebta ee degmada Kaaraan. 

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladu kusii dabba  joogaan maleeshiyaadkii Al Shabaab ee halkaas fariisinka ku lahaa.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Shabaabka oo u aadan  dagaalada  ka dhacay degmada Kaaraan iyo Cabdulcasiis. 

Dagaalada maanta dhacay ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala dhacayay  degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Shibis, Cabdulcasiis iyo Kaaraan,  iyadoo madaafiic ay labada dhinac isku adeegsanayeen khasaare rayid ka geysatay meelo ka baxsan halkii ay dagaaladu ka dhacayeen  sida degmada Xamar Jajab.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Dowladda KMG oo ka hadashay dagaallada Muqdisho, 2011/05/22
  2. Dowlada KMG oo la wareegtay dagmada Luuq, 2011/03/07
  3. 11 Ruux ayaa Muqdisho ku Dhintay, 2010/11/30
  4. Dawladda oo Guula ka Gaartay Dagaalada Muqdisho, 2010/07/01
  5. 20 qof oo rayid ah oo Muqdisho ku geeriyooday, 2010/06/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal