Dekadda Muqdisho oo La Dayactirayo.
Muqdisho :Bar-kulan- Dekada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya hawlo dayactir oo dib loogu hagaajinayo hawlihii ay qaban jirtay dekadu.
Waxaa ka mid ah qaybaha dayactirka lagu sameynayo ee dekada magaalada Muqdisho Tawarka dekada oo ah midka haga maraakiibta ku soo xirta dekada, wariyaha Bar-kulan oo dekada booqday ayaa ku soo waramaya in haatan Marsada ay maraakiibta ku soo xertaan ay ka socodto hawlo carada iyo waxyaaba kale looga soo saarayo waxaana laga soo saaray caro aad u faro badan iyo qaybo ka mid ah markab horey u burburay.
Hawlahan lagu dayactirayo dekada magaalada Muqdisho ayaa waxa qabanaya shirkada dhinaca badaha oo lagu magaaco Alpha oo dad ajanin ah ay leeyihiin, iyadoo ammaanka dekadu uu yahay mid aan u wanaagsan iyadoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Amison iyo booliska dawlada kumeel gaadhka.
Dekada ayaa haatan waxaa ku xiran labo markab loo lagu kala magaacaabo Rosen iyo Mona oo sida baceedo ay leeyihiin dad ganacsato ah.
Maamulka dekada ayaa sheegay in dekadu haatan ay gashay xiligii badxiranka balse dib ay u furidoono 15 bisha sagaalaad ee sanadkan.
Radio Bar-kulan.
Muqdisho.
Warbixinada la Xiriira:
