Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Dagaal ka dhacay Bacaadweyn

Gaalkacyo:Bar-kulan- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac. 

Ugu yaraan inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku geeriyootay, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Camaara iyo Bacaadweyn oo ka tirsan gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan inuu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaan waxay ahaayeen kooxihii dirirtu u dhaxeysay, waxaana hada degan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, mana  jiraan warar madax banaan oo halkaas laga heli karo sababo dhinaca isgaarsiinta ah.

Dagaaladan ayaa inta badan ah kuwa soo noqnoqday xili ay gabaabsi sii aheyd xabad joojin mudo 90 cisha ah oo ay dhex dhigeen waxgarad ka kala socday beelaha halkaas wada dega. 

Ugu dambeyn waxaa markasta macquul ah oo laga cabsi qabaa in saacad kasta ay is fara saaraan labada maleeshiyo beeleed.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. 3 qof oo ku dhimatay dagaal beeleedyo ka dhacay Mudug, 2011/05/17
  2. Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud, 2011/05/11
  3. Dagaal ka dhacay deegaan u dhow Bacadweyn, 2011/03/08
  4. Dagaal ka dhacay deegaanka Kalshaale, 2011/01/30
  5. Dagaal Beeleed ka dhacay Galinsoor, 2010/10/05

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal