Khaanad: Barnaamijyada, Qodobada wararka

Barta kulanka Barbaarta.

Bar-kulan: Barnaamijka barta kullanka barbaarta, todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa sanad guuradii 50 ee kasoo wareegatay xoriyaddii Soomaaliya.

1960 ayay ahayd markii ay xorowday jamhuuriyadda Soomaaliya inkastoo ay labada gobol ee waqooyi iyo koonfur maalmo un kala horeeyeen.
26 June sanadkii 1960 ayay ahayd markii ay xoriyadooda heleen goboladii waqooyi ee uu Britishku gumeysan jirey halka 1dii July sanadkii 1960 ay talyaanigu xornimadda siiyeen goboladii koonfureed isla markaana ay midoobeen labadii gobo lee waqooyi iyo koonfur.

Haddaba xuska 50 sano guuradii kasoo wareegatay xornimada Soomaaliya xaflado lagu weynaynayo ayaa la filayaa iney ka dhacaan Caawo meelo badan oo caalamka ka tirsan oo ay Soomaalidu ku nooshahay.

Xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya oo gacan ka helaysa qaar kamida hobolada Soomaaliya ayaa caawa la filayaa in lagu qabto magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Safaaraddu waxay xafladda u xilsaartay fanaaniinta dhalinta waayaha Cusub, waxaan la filayaa iney kasoo qeyb galaan fanaaniin kala duwan, masuuliyiin iyo shacbiga Soomaaliyeed eek u nool magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Maantana Barnaamijkeena waxaanu ku soo qaadaneynaa bal qaabka xafladaasi lagu wado iney u dhacdo waxaan marti noogu ah Lixle Muxiaydiin Nuur oo kamida Fanaaniinyta Dhalinta Waayaha Cusub.
Barnaamijka waxaad ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Barta Kulanka Barbaarta, 2010/09/08
  2. Barta kulanka Barbaarta, 2010/09/06
  3. Barta kulanka Barbaarta, 2010/08/25
  4. Barta Kulanka Barbaarta, 2010/08/03
  5. Barta Kulanka Barbaarta., 2010/07/21

1 Fikrad for “Barta kulanka Barbaarta.”

  1. Ugu horeyn Shacabka soomaaliyeed meel kasta ay ku suganyihiin waxaan lee yahay ciid wanaagsan dabaal dag wacan maanta waa maalintii ay xurnimada ay xurnimada qaadatay soomaaliya 50ano kadib farxad wacan

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal