Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda
Waxaan Todobaadkan barnaamijka Soomaalida iyo tiknoolajiddaku maqli doontaan qeybtii 2aad ee barnaamij aanu ugu talo galnay inaan ugu kuur galno bal sida Soomaalidu uga faaideystao adeegsiga internetka, barnaamijkii todobaadkii hore waxaan inta badan ku soo qaadanya adeegga internetka iyo bal sida looga helo magaalooyinka Soomaaliya sida ceelasha biyaha, Kismaayo, Boosaaso iyo inta badan magaalooyinka Somaliland.
Todobaadkana qodobada aad Barnaamijka ku maqli doontaana waxaa kamida:
- Warbixin- isbad badelka adeegga internetka ee qaar kamida dalalka qaaradda afrika, iyo halkuu caalamka ka joogo.
- Warbixin- Waa sidee xaalada helitaanka adeegga Internetka ee Soomalida ku dhaqan dalka Yemen.
- Wareysi- Waa side helitaanka xaaladda internetka ee dalka Kenya, maxaase is badalay tan iyo sanadkii 2000 oo ahayd wakhtiyadii xarumaha bixiya internetka kuwoodii ugu horeeyay laga furay caasimadda Nairobi.
- Dood gaaban- Sidoo kale waxaad maqli doontaan qeybtii 2aad ee Dood ku saabsan sida inta badan xirfadlayaasha Soomaalidu uga faaideystaan adeegsiga internetka.
Waxaad Barnaamijkaan ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.
Waxaa qoray Cabdiqafaar Shire.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:


