Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Xisbul Islaam oo Amar ku bixiyay in la xiro Universal Tv

Muqdisho:Bar-kulan-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee maleeshiyaadka Xisbul Islaam Macalin Xaashi Max’ed Faarax, ayaa ku dhawaaqay amar lagu xirayo dhammaan xafiisyada Telefishinka Universal uu ku leeyahay gudaha Soomaaliya kadib markii Tvga laga baahiyey sida uu hadalka u dhigay waxyaabo ka dhan diinta Islaamka

Maclin Xaashi, ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan wariye kasta oo Tvga Universal wax uga dira gudaha Soomaaliya, iyagoo u tixgalin doona wariyahaas si la mid ah gaalada aflagaadeysay nabigeen Muxamad.

Guddoomiyaha Xisbul Islaam u qaabilsan gobolka Banaadir, ayaa weydiistay maamulka iyo dhammaan wariyaasha Tvga Universal in ay ka toobad keenaan gefkii ay u geysteen nabigeen Muxamad.

Macalin Xaashi oo la weydiiyay sida ay ka yeelayaan xafiisyada Tvga ee ka furan dhinaca ay maamusho dowladda, ayaa ku hanjabay in ay u diri doonaan dhalinyaro isku qarxiso xafiisyadaasi.

Hadalka Macalin Xaashi, ayaa yimid maalin kadib markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay sheegeen in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin Tvg Universal oo ay ku eedeeyeen in uu baahiyo sawiro loogu gafay nabigeena.

Muqdisho,bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Shabaab oo amar ku soo rogtay Xisbul Islaam, 2010/09/21
  2. Xisbul Islaam oo la wareegtay idaacada GBC, 2010/09/19
  3. Xisbul Islaam oo mamnuucday xuska 1-da Luuliyo, 2010/06/30
  4. Dowladda oo canbaareysay go’aankii Xisbul Islaam ee Idaacaddaha, 2010/04/05
  5. Xisbul Islam oo Idaacaddaha Muqdisho ka maamnuucay heesaha, 2010/04/04

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal