Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Africa iyo France.

Nice:Bar-kulan-Kullan Madaxeedka Wadamada Africa iyo dalka Faransiiska ee 25aad, oo ka furmay magaalada Nice ee dalka faransiiska, ayaa la isku raacay xoojinta ciidamada nabad ilaalinta ee qaaradda Africa ay leedahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska M/weynaha Soomaaliya u qaabilsan Warfaafinta, ayaa lagu xusay in waxyaabaha Soomaaliya ay ka faa’iidi doonto kulanka ay ka mid tahay ciidamo gaaraya 12 kun oo African ah oo Faransiiska si gaar ah ugu tababari doono dhinaca nabad ilaalinta, kuwaasoo qeyb ka noqon doono ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ee kulankaas ka qeyb galay, oo uu ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamaca Jengali, ayaa shirka u gudbiyay qoraal qabyo ah oo laga doodi doono.

Dowladda Faransiiska, ayaa ku yaboohday lacag dhan 3 boqol oo milyan oo euro si loogu kordhiyo tayada iyo tababarka ciidamada qaaradda Africa.

Kulanka, ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday in mudnaan gaar ah la siiyo wadamada Africanka ah ee ka soo kabanaya rabshadaha iyo dagaalada, si looga gacan siiyo in la xalliyo khilaafaadkii horey ugu jiray.

Kulankaan ayaa sanadkaan 2010ka waxaa loo aqoonsaday in uu yahay sanadka nabadda iyo amniga qaaradda Africa.

Shirkaasi waxaa ka qeybgalaya Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka ku weheliya, mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,   Xildhibaanno, General ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomalaiya.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. SSC oo ka qeyb galeysa shirka Khaatumo II, 2012/01/03
  2. Madaxweyne Shariif oo Addis Ababa kaga qeyb galaya shirka IGAD(Sawirro), 2011/07/04
  3. Wafuud ka qeyb galeysa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo Nairobi yimid, 2011/05/24
  4. Dowladda oo shaacisay qodobadii shirka Midowga Africa., 2010/07/27
  5. Siilaanyo iyo Safiirka France ee Jabouti oo kulmay, 2010/07/21

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal