Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Prof Dufle oo ku baaqay joojinta Sigaarka

Muqdisho:Bar-kulan-Prof. Cismaan Max’ud Dufle, ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaalida in ay ka fogaadaan cabista sigaarka, maadaama uu horseedo geerida dad aad u farabadan.

Maanta oo ku beegan maalinta joojinta cabista Sigaaska, ayaa Prof Dufle wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, wuxuu sheegay in ay sii kordhayaan tirada dhalinyarada isticmaasha cabista sigaarka, gaar ahaan wadamada soo koraya.

Prof. Dufle, ayaa sheegay in sanadkii tagay daraasad la sameeyey lagu ogaaday in dadka caba sigaarka dunida ay kor u dhaafayaan hal bilyan iyo 40 milyan oo qof

Prof. Cismaan Max’ud Dufle, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in la hayo cadeymo muujinaya in cabista sigaarka uu yahay xaaraan.

Prof Dufle, ayaa ku booriyay dadka Soomaalida ah ee caba sigaarka in ay joojiyaan, wuxuuna ka codsaday dhalinyarad in ay iska jiraan cabista sigaarka.

Bar-kulan, Muqdisho

Warbixinada la Xiriira:

  1. Madaxweyne Shariif oo ku baaqay joojinta dagaallada ka socda Mudug iyo Galgaduud, 2011/07/03
  2. RW Farmaajo oo ku baaqay joojinta Colaadaha Mudug, 2010/11/23
  3. Hiiraan oo laga mamnuucay Sigaarka & Tubaakada, 2010/09/12
  4. Puntland oo Loogu Baaqay Joojinta Raafka, 2010/07/25
  5. Prof. Dalxa oo Eedeeyay Golihii hore ee Wasiirada., 2010/07/10

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal