Olole dhuxul gubis ah oo dhuusamareeb ka bilowday
Galgaduud:Bar-kulan-Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna wal jameeca ayaa lagu soo waramayaa iney dhuxul ku gubeen meel fagaara ah oo ku taala xarunta gobolka Gal-gaduud ee Dhuusamareeb.
Gubitaanka dhuxusha ayaa timid kadib markii ganacsatadii dhuxusha laheyd ay ka dhaga adeegeen amar ahaa inaan la jari karin dhirta qoyan, kadibna garsooraha maamulka Ahlu sunna waljameeca ee degmada dhuusamareeb wuxuu xukumay in dhuxushaasi la gubo.
Cabdi-wali Xaaji Diiriye oo ka tirsan saraakiishii fulisay gubista dhuxushaasi ayaa Bar-kulan u sheegay in xukunka ay gaareen uu dhigayo in dhuxushii ay gacanta ku dhigaanba ay gubi doonaan, cidii falkaasi lagu helana ay sharciga marsiin doonaan, isagoo u digay dadka deegaanka.
Ciidamada Ahlu sunna wal jameeca ee ku sugan Dhuusamareeb aayaa sidoo kale waxey gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay caasi oo si dhuumaaleysi ah dhuxul ugu gudbinayay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu xiray saldhig booliska ee magaalada dhuusa mareeb.
Gobolka Gal-gaduud ayaa waxa uu ka mid yahay gobolada ay ku badanyihiin dadka ka ganacsada dhuxusha.
Bar-kulan, Dhuusamareeb
Warbixinada la Xiriira:
- Dhuusamareeb: Hay’addaha samafalka oo is-diiwaangelinaya, 2010/12/28
- Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray, 2010/10/18
- Ahlu Sunna oo Dhuusamareeb amaro ku soo rogtay, 2010/10/09
- Dhuusamareeb:Ahlu sunna oo Masaafurin iyo xukun sameeysay, 2010/03/31
- Ahlu sunna oo bandow ku soo rogtay Dhuusamareeb, 2010/03/31
