Museveni iyo Ban Ki-moon oo dagaalamay
Bar-kulan—Xoghayaha guud QM Ban Ki-moon iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa axadii ciyaar aad ugu adag iskaga hor yimid taasoo aheyd midii ugu xiisaha badneyd ee ka dhacda Africa xilli diyaar garow loogu jiro koobka aduunka.
Labada ninba qeybtii danbe ee ciyaarta ayeey badal ku soo galeen , ciyaartaasi waxey aheyd mid loogu talagalay in lagu muujiyo sida ay u wanaagsantahay in loola shaqeeyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Kooxdii uu madaxweyne Museveni u ciyaarayay oo la yiraah “Dignity” kooxda sharafta ayaa waxey garaaceen oo ay ka badiyeen kooxdiii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki moon oo la oranayay “Justice” kooxda cadaaladda , waxeyna ku dharbaaxeen 1-0, ciyaartaasi waxey ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Mandela Stadium oo ku yaala magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Museveni iyo Ban waxey ciyaareen mudo 10 daqiiqo oo kaliyah, iyagoo madaxweyne Museveni lagu jilaafeeyay qeybta ganaax ee goosha ee loo yaqaan penalty area, Laakiin waa laga diiday in wax rigoore ah loo dhigo.
In ka badan 2,000 oo ah dadka ay dhibaatooyinka qaarada afrika ka soo gaareen ayaa ciyaarta ka soo qeybgalay.
Sunni Said Salah
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
- Ban Ki-moon oo ugu baaqay dalalka Carabta kordhinta gurmadka abaaraha, 2011/07/27
- Ban Ki-Moon oo guubaabiyay la dagaallanka burcad badeedda, 2011/04/19
- Ban Ki-Moon oo ku taliyay in la sii taageero AMISOM, 2011/03/11
- Ban Ki-Moon oo codsaday in la taageero dowladda KMG iyo AMISOM, 2011/01/31
- Ban Ki-Moon oo codsaday in Soomaaliya lagu taageero ciidamo iyo dhaqaale, 2011/01/08

