Dowladda oo gacanta ku dhigtay Baladweyne
Hiiraan:Bar-kulan-Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen Gacan ku heenta magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kadib dagaal qaraar ay saaka la galeen Xisbul Islaam.
Dagaalkaan oo bilowday aroornimadii hore ee saaka ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday hal cunug halka ay ku dhaawacantay haweeney.
Sarkaal u hadlay dowladda KMG oo weerarka ka soo qaaday dhinaca feer-feer oo la yiraah Axmed Cismaan (Axmed Enji) ayaa Barkulan u sheegay in dhinacooda uusan wax khasaara ah soo gaarin, ayna ka qabsadeen Xisbul Islaam gaari dagaal, oo ah nooca loo yaqaana Cabdi Bile.
Wali wax war ah lagama hayo inta uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray Maleeshiyadii Xisbul Islaam ee dagaalka la galay Ciidamada Dowlada ku meel gaarka ah.
Dhanka kale maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan galbeedka B/weyne ayaa joojiyay doomihii iskaga talaabijiray labada dhinac ee magaalada.
Adeegsiga doomahan ayaa yimid markii muddo laba todobaad ka hor ah ay duntay buundadii liiqliiqato ee magaalada B/weyne, mana cada ujeedada ay Alshabaab u joojiyeen,waxaase la aaminsanyahay iney tahay xeelad dagaal,waxeyna talaabadani keentay inuu istaago isku socodkii galbeedka iyo bariga magaalada B/weyne.
Bar-kulan,Hiiraan
Warbixinada la Xiriira:
