Adidas oo difaacday kubadaheeda
Bar-kulan—shirkada Adidas oo ah shirakada soo saartay kubaddaha koobka aduunka lagu ciyaarayo ayaa difaacday kubaddaha koobka aduunka ay ugu talagashay in lagu ciyaaro, kuwaasoo lagu tilmaamay in aan la xakameyn Karin oo ay yihiin kuwo xawaare sare u ku socda oo qafiif ah, iyadoo sheegtay in intii aan la soo saarin la tijaabiyay kubaddahaan.
Afhayeen u hadlay shirkaasi oo la yiraah Thomas van Schaik ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay hadalada ka soo yeeray goolhayayaasha ugu sareeya koobka aduunka ee Spain Iker Casillas kan Brazil Julio Cesar.
Wuxuu sheegay in bilo ka hore la isticmaalayay kubaddahaan oo tijaabo la marsiiyay oo aysan arag wax cabasho ah.
Van Schaik wuxuu intaa ku daray in kubadahaan ay tijaabo ku soo sameeyeen ciyaartoyda koobka aduunka ka soo qeybgaleysa tan iyo markii la soo saaray bishii December iyadoo fikradaha na soo gaarayana ay ahaayeen kuwo wanaagsan.
Sunni Said Salah
bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
