Khaanad: Madadaallo, Qodobada wararka, Wararka

09 May Maalinta Hooyooyinka.

Warbixinta Hooyooyinka: norway oo kaalinta koowaad helaashay iyo afghanistan oo xagga hoose ka hogaamineysa.

Maanta waxay qeybo badan oo kamida bulshada caaalamku ay u dabaal degaysaa maalinta hooyooyinka caalamka oo sanad walba qaar badan oo kamida dalalka caalamka lagu xuso 9ka bish May, waxaana sand walba lasoo saara warbixin dheer oo looga hadlayo hooyooyinka caalamka, sanadkana warbixin ay hooyooyinka caalamka ayaa waxaawarbixin dheer lagu qoray bogga Kansas city.com oo soo xiganaya warbixintii sanadlaha ahayd ee ay hay’adda Save the Children ka diyaarisay hooyooyinka caalamka waxaana warbixintani lagu bilaabay.

Maalinta hooyooyinka caalamka waxaa inbadan oo kamida dalalka caalmka looga dabaal degaa sagaalka bisha May iyadoo dhaqan ahaan ay maanta oo kale mudan tahay in diiradda la saaro islamarkaana wakhti badan lagu bixiyo qoysaska caalamka oo ay hooyooyinku ugu horeeyaan iyadoo hay’adda Save the children ay markaasi sare u qaadeyso wacyiga ku aaddan sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha iyo caafimaadka caruurta iyo hooyooyinka dhamaan ku nool wadamada caalamka.

Hay’adda Save the Children ayaa waxay soo saartay warbixintii 11 ee sanadlaha ahayd oo ay kaga hadlaysay hooyooyinka caalamka, iyadoo warbixintani lagu sheegay dalalka ugu wanaagsan ee ay ku nool yihiin hooyooyinka uga daryeelka fiican iyo dalalka ugu daryeelka hooseeya ee hooyooyinka caalamka, Waxaana warbixintani lagu saleeyay helitaanka adeegyada caafimaadka oo hooyooyinka ka caawiya dhalitaanka, caafimaadka iyo daryeeelka guud ee ay caruurtu helaan, iyadoo sidoo kalana ay jiraan baahiyo xooggan oo ku aaddan tirada dhakhaatiirta iyo umulisooyinka dalalka ugu fakhrisan caalamka.

Sida warbixintani lagu tilmaamay dalka Norway oo ku yaalla waqooyiga qaaradda yurub kana tirsan dalalka iskandanefiyanka ayaa lagu sheegay dalka ugu wanaagsan ee ay daryeelka ka helaan hooyooyinka caalamka iyadoo kaalinta labaadna ay Australia gashay, dhinaca kale dalka afgaanistan ee bartamaha koonfureed ee qaaradda Aaasiya ayaa buuxiyay booska ugu dambeeyay ee 160 waddanka ee warbixintani lagu sheegay iyadoo dalalkaasina ay isugu jireen 43 dal oo wadamada horumaray ah iyo 117 waddan oo dalalka soo koraya kamida.

Warbixintan oo lagu saleeyay nolosha iyo caafimaadka hooyooyinka caalamka ayaa lagu falanqeeyay sida dalalka qaar ay u hanteen caafimaad ku waaridda hooyooyinka iyo caruurtooda, waxaana si toosa warbixinta loogu muujiyay qaabka ay hooyooyinka ku helaan waxbarshada, fursadaha dhaqaale, iyo daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin iyaga iyo ubadkooda si ay u noolaadaan sala markaana si wanaagsan ugu kobcaan.

Hadii aan xusno tobanka dal e warbixintani lagu sheegay ee ugu wanaagsan dhinaca daryeelka hoooyinka waxaa la tilmaamay wadamada Norway,Australia, Iceland, Sweden, Denmark, New Zealand, Finland, the Netherlands, Belgium, iyo dalka jarmalka, dhinaca kale tobanka waddan ee ugu hooseeya warbixintan ee ku aaddan daryeelka hooyooyinka ayaa lagu cadeeyay dalal ay kamid yihiin Afghanistan, Niger, Chad, Guinea-Bissau, Yemen, jamuuriaydda dimuquraadiga congo, Sudan, Eritrea, iyo waliba, Equatorial Guinea.

Dalka Mareykanka ayaa warbixintani ka galay kaalinta 28 taasi oo uu hoos uga dhacay darajada 27 oo uu galay sanadkii 2009, waxaana arintani lagu saleeyay xaddiga dhimashada ee hooyooyinka wakhtiga dhalmada iyadoo hal kamida 4,800 ee hooyo walba oo mareykanka ku nool ay geeriyooto wakhtiga dhalmada  taasi oo tiro aad u badan ah marka loo fiiriyo wadamada horumaray.

Mary Beth powers oo kamida hawl wadeenada Save the children, isla markaana qaabilsan ololaha daryeelka caafimadka dhallaanka, ayaa sheegtay inkastoo xaaladda hooyooyinka mareykanka ay u baahan tahay in sare loo qaado in haddana hooyooyinka ku sugan wadamada soo koraya ayaa waxaa soo wajahaya khatar aad u weyn oo dhinaca caafimaadka ah, waxayna intaasi raacisay yaraanta xirfadlayaasha dhalmada, caafimaadka hooyooyinka iyo caruurta iney horsed u tahay dhibaatooyinka haysta hooyooyinka ku nool qaar badan oo kamida dalalka ugu fakhrisan caalamka, waxayna arintani caqabad ku tahay xakamaynta iyo caafimaadka dhalmada hooyooyinka iyadoo wadamada warbixintani liiska hoose ka galayna lagu sheegay iney yihiin dalalka ugu badan ee ay hooyooyinku uurka ku qaadaan islamarkaana ugu khatarta badan dhinaca xaaladaha dhalamada.

Isbarbardhiga dalalka Caalamka.

Inka yar 15% dhalmada wadamada afgaanistan iyo Chad ayaa nasiib u yeesha iney caawiyaan oo ay markaasi dhaliyaan dhakhaatiir xirfad leh, halka dalka Ethiopia 6% ay nasiib u yeeshaan hooyooyinka uurka leh iney dhaliyaan dhakhaatiir xirfad leh, taasi oo waxbadan ka fog marka loo fiiriyo dalka warbixintani kaalinta 1aad ka galay ee Norway oo lagu sheegay in hooyo walba goorta ay dhalayso ay nasiib u yeelato inuu gacanta ku qabto dhakhtar aqoon u leh adeega caafimaad ee ay u baahan tahay.

Midkamida todobadii haweena eek u dhala dalka Niger waxay ku geeriyoodaan dhalmada, halka sideed hooyo mid kamida ay khatar ku wajahdo dalalka Afghanistan iyo siraliyoon.

Dhinaca kale Dalakka bosnia and herzegavina, Griiga, talyaaniga ayay warbixinani ku sheegtay iney dhimasho soo foodsaarto midkamida 25000 ee hooyo, halka dalka Ireland 47 kun oo hooyo ay mid kamida geeriyooto wakhtiga dhalmada.

Dalalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Congo iyo dalka Angola  ayaa lagu sheegay in xaddiga dhimashada caruurtu uu ka sareeyo marka loo fiiriyo dalalka qaara waxaana la sheegay iney dhimashada caruurtu ka sareyso in afartii caruura ee dhalata uu mid kamida geeriyoodo, taasi oo waxbadan ka fog marka la eego dalalka Finland, Iceland, Luxemberg, iyo Sweden, oo inkabadan 300 caruura uu mid kamida geeriyoodo ka hor intaanu gaarin sanadka 5aad.

Sidoo kale warbixintan hooyooyinka lagu qiimeynaya ee la siii daayo sanad walba ayaa lagu qiimeeyay heerka waxbarshada ee ay helaan hooyooyinka ku nool dalalka caalamka qaarkood iyadoo haweenka ku nool wadamada Afghanistan, Angola, Chad, Djibouti, Eritrea iyo Guinea-Bissau ay fursad u yeeshaan wax ka yar shan sano waxbarashada aasaasiga ah, halka dalka Niger lagu tilmaamay in haweenka dalkaasi ay fursad u yeeshaan wax ka yar afar sano iney bartaan waxbarashada aasaasiga ah, halka dalalka Australia iyo New Zealand, celceliska haweenku ay waxbartaan lagu sheegay inkabadan 20 sano..

Dhinaca dakhliga ayaana ka marneyn warbixintani lagu qiimeynayay hooyinka caalmka waxaana lagu sheegay in dalalka Afghanistan, Urdun, Lebanon, Libyan, Morocco, Oman, Pakistan, Syria iyo dalka Yemen, in haweenku ay calmaaadn amaba ay helaan 25 cent ama wax yar halka doolar ee ay ragga soo gala, dalaka sacuudi carabiya iyo falastiin ayaa lagu sheegay in haweenku ay helaan 16 ilaa 12 cent halkii doolar ee ragga soo gala, halka dalka mangooliyana lagu sheegay in 87 cent ay haweenku ka calfadaan doolar kasta oo ragga dakhli ahaa usoo gala, iyadoo sidoo kalan dalka Moxzambiik lagu sheegay iney hawnnku heelaan 90 cent oo kamida halkii doolar ee soo gala nimanka.
.
Mary Beth powers oo warbixintani akhrisay ayaa sheegtay in farqiga u dhaxeeya wadamada caalamka ay ku saleeyeen warbixintani ay soo saartay hayadda save the Children, waxayna sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay nasiibka ay u yeelatay lahaanshiya afar caruura oo caafimaad qaba balse waxay carabka ku dhufatay in hooyooyin badan oo ku nool daafaha caalamka ay la daalaa dhacayaan caafimaadka caruurtooda iyo waliba noloshooda.

Waxaa qoray Cabdiqafaar Shire.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Transparency: Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan caalamka, 2010/10/27
  2. Xuska maalinta nabada adduunka, 2010/09/21
  3. Rajo xumo soo foodsaartay hooyooyinka., 2010/05/10
  4. 03 May, Maalinta xoriyadda saxaafadda Caalamka., 2010/05/03
  5. 22 Maarso waa Maalinta caalamiga ah ee Biyaha, 2010/03/23

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal