Khaanad: Madadaallo

Fanaaniinta koobka aduunka oo lagu dhawaaqay, K’naan oo ku jira

Bar-kulan—fanaanka weyn ee reer South African Hugh Masekela ayaa waxey FIFA ku dartay list fanaaniinta ka heysi dinta ciyaaraha koobka aduunka markii lagu eedeeyay FIFA iney ay iska indho tirtay fanaaniinta gudaha ee dalkaasi.

FIFA iyo shirkada qaban qaabineysa xaflada furitaanka tartanka oo saldhigeedu yahay US-oo la yiraah Control Room ayaa sheegay in Masekela, Freshlyground iyo Soweto Gospel Choir ay ka mid yihiin kooxaha ka heesi doona koobka aduunka iyagoo ku biiri doona Shakira iyo Black Eyed Peas xaflada furitaanka ee tartankaasi oo June 10 keeda ka dhici doonta xaafada  Soweto garoonka  ku yaala ee Orlando Stadium.

Shakira iyo Freshlyground waxey baahiyeen dhawaan heesta rasmiga ah ee loogu talagala koobka aduunka taasoo la yiraah  “Waka Waka – Time for Africa,” heestaasi waxey la kulantay soo dhaweyn diidmo iyo haa ah qaaarada Africa gudaheeda.

Kooxda ka dhisan Soweto-ee la yiraah Mzansi Youth Choir iyo fanaanka soomaaliyeed ee ciyaarta hip hop K’Naan ayaa lagu daray fanaaniinta koobka aduunka, ka heesi doonta.

Isagoo ka hadalayay Britain, oo uu booqasho ku joogo ayuu, Masekela u sheegay  Associated Press inuu sidoo kale ka soo muuqan doono ciyaarta furitaanka ah ee World Cup lagu furayo June 11 taasoo ka dhici doonta Soccer City stadium.

FIFA iyo gudiga qaban qaabada ayaa waxey isku raaceen in koobka aduunka fanaaniinta qaarada ay la heesaan markii hore hayeeshee FIFA iyo shirkada Los Angeles’ ee Control Room ayaa ku dhawaaqay bishii March in si rasmi ah ay fanaanada koobka aduunka fureysa ay noqoto xidigta u dhalatay Colombian ee Shakira, oo ay wehliyaan fanaaniinta mareykanka u dhashay ee Black Eyed Peas, Alicia Keys and John Legend.

Sunni Said Salah

Bar-kulan, Ciyaaro

Warbixinada la Xiriira:

  1. Russia oo lagu abaalmariyay koobka aduunka ee 2018, 2010/12/02
  2. FIFA oo baareysa laaluushka hareeyay koobka aduunka, 2010/11/17
  3. Heesaagii furi lahaa koobka aduunka oo dhintay, 2010/05/27
  4. Tartamayaasha koobka aduunka ee 2018, 2022 oo FIFA…, 2010/05/15
  5. Heesta furitaanka koobka aduunka oo Shakira loo dhiibay, 2010/04/17

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal