Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Muqdisho: Madaxda Dawladda oo kulmay.

Muqdisho, Casimadda Soomaaliya.

Muqdisho: Bar-kulan- Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku sheegay in khilaafka soo kala dhex galay xildhibaanada baarlamaanka uu yahay culees aysan qaadi karin hay’adaha dowladda Ku meel gaarka ah ee weli curdunka ah.

War murtiyeed ka soo baxay kulan ay isugu yimaadeen Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha baarlamaanka Sh. Aadan Max’ed Nuur iyo Ra’isal wasaaraha Cumar C/rashiid Cali, ayaa lagu sheegay in ay ku mideysan yihiin hirgalinta waajibaadka saaran hay’adaha dowladda, ayna diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka hareeyey wax qabadka iyo kulamada Baarlamaanka

Kullanka ay madaxda dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya maanta ku yeesheen Muqdisho, ayaa si weyn loogu mahad celiyey dowladda Jabuuti oo qayb weyn ka ciyaartay xalinta khilaafka kala qaybiyey xildhibaanada baarlamaanka.

War murtiyeed la soo saararay kulanka kadib, ayaa lagu sheegay in dib loo billaabi doono howlihii xubnaha baarlamaanka, iyadoo dhamaan xildhibaanada ay isku waafaqsan yihiin in loo istaago howlaha ay umadda Soomaaliyeed ka sugeyso dowladda Ku meel gaarka ah.

Kullanka madaxda ugu sareysa dowladda KMG ah, ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii M/weynaha dowladda Ku meel gaarka ah Sh. Shariif Sh. Axmed uu si rasmi ah u shaaciyey in la dhameeyey khilaafka xubnaha baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaa ku doodayey in hoggaanka sare ee baarlamaanka uu wakhtigii ka dhammaaday, iyagoo sheegay in ay aqoonsaneen sharcinimada hoggaanka sare ee baarlamaanka.

War murtiyeedkii kulankani kasoo baxay oo uu saxaafadda u akhrinayay Wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle hoos ka dhageyso.

Waxaa qoray Saalax Sonna.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Guddiga qabanqaabada shirka wadatashiga oo la kulmay madaxda DKMG, 2011/07/14
  2. In ka badan 180 xildhibaan oo Muqdisho ku kulmay, 2011/06/18
  3. Mas’uuliyiin Kenyan ah oo la kulmay madaxda gobolka Bannaadir, 2011/04/26
  4. Mahiga oo Muqdisho kula kulmay madaxda DKMG, 2011/03/31
  5. Mahiga oo Muqdisho kula kulmay madaxda dawladda, 2011/01/04

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal